Xisbiyada

URURKA  DIMUQRAADIGA  UMMADDA  BAHAWDAY

JAMHUURIYADDA  SOOMAALILAAND

11 mar 2003

[Start] [Uppåt]   

 

JAMHUURIYADDA  SOOMAALILAAND

XEERKA DIIWAANGELINTA URURADA IYO AXSAABTA QARANKA

TUSMADA

Qodobka 1aad: Guddida Diiwaangelinta           

Qodobka 2aad: Qabashada Codsiyada Diiwaangelinta

Qodobka 3aad: Xisbiyada ku Meel Gaadhka ah  

Qodobka 4aad: Waxyaabaha ka Reeba Ururada/Xisbiyada

Qodabka 5aad: Xuquuqda Xisbiyada

Qodobka 6aad: Musharixiinta Tartamays

ERAYBIXINTA

GUDDI: Guddi waxa loola jeeda Gudiga Diiwaan-gelinta Ururadda Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyadda.

GOBOL/DEGMO, GOBOLLADDA/DEGMOOYINKA: Waxa lool jeeda Gobolladda iyo Degmooyinka Dalka JSL ee sharciga ah.

GOLAYAASHA SHARCIGA: Waxa loola jeeda Golayaasha Distuuriga ah ee JSL ee kala ah:

- Golaha Guurtida

- Golaha Wakiilladda

- Gollaha Wasiirada

URUR/URURO: Waxa loola jeeda unuga is-abaabul bulsho ee Siyaasadeed ee loo diiwaan-galiyey inay ka qayb qaataan tartanka doorashada Dawladda Hoose, int loo aqoonsanyo Xisbi Siyaasadeed.

  XISBI/AXSAAB: Waxa loola jeeda Xisbiyo/Xisbi loo ansixiyey inay ka qaybqaataan/qaybqaato tartanka Doorashada Guud ee Qaranka.

SHISHEEYE: Waxa lool jeeda cid kasta oo aan u dhalan JSL.

WARBAAHINTA QARANKA: Waxaa loola jeeda Idaacadaha, Wargeysyadda, iyo Sinimoyaasha, Goobaha Khayriyadaha iyo Qalabka kale ee warbaaahinta ee dawladu maaulkeeda heyso.

HANTIDA QARANKA: Waxa loola jeedaa hantida guurta iyo maguurtada ah ee Dawladddu leedahay waji kasta ha lahaatee, sida maaliyadda, dhismayaasha, gaadiidka, warshadaha, qalabka iwm.

FOOMKA CODSIGA: Waxaa loola jeeda foom gaar ah oo ay bixiso Guddidu oo ay ku qoran tahay warbixinadda iyo caddeymaha laga doonayo Ururka codsaday isdiiwaan-gelinta.

DOORASHADDA QARANKA: Waxaa loola jeeda Doorashada Guud ee ay ku tartamayaan seddexda (3) xisbi ee qaranku.

QODOBKA 1AAD

GUDDIDA DIIWAAN-GELINTA URURADDA SIYAASIGA AH IYO ANSIXINTA QARANKA

Dalka JSL, wuxuu yeelanayaa guddi guud oo madax bannaan, una xilsaaran ansixinta nidaamka axsaabta siyaasadeed.

1. Qaab dhismeedka guddidu waa 7 xubnood oo ay ugu yaraan laba ka mid ahi yihiin sharci yaqaanno.

b. waxaanay yeelanayaan guddoomiye, guddoomiye-xigeen iyo xog’haye.

t. Guddida waxa lagu soo xulayaa shuruudaha golaha wakiillada JSL.

j. Waxaanay ku yeelanayaan wakiilo gobolada iyo degmooyinka dalka.

x. Guddigu waxay xilka sii heynayaan muddo 6 bilood ah markay ansixiyaan 3daa xisbi ee ku guuleysta doorashooyinka qaranka.

2. Madaxweynaha JSL, ayaa magacaabaya guddida ansixinta nidaamka axsaabta siyaasadeed, waxaana ansixinaaya golaha wakiillada oo ku oggolaanaya cod hal dheeri ah.

b. Xil ka qaadistooda waxa soo jeedinaya Madaxweynaha golaha wakiilladuna wuxuu ku ogolaan karaa 2/3 xubnaha Golaha Wakiillada.

3. Guddigu waxay yeelanayaan gunno, waxaana qeexaya xeer gaar ah.

4. Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa ku dhaarinaaya guddida dhaartan toddobaad kadib maalinta golaha Wakiilladu ansixiyo ahna (Waxa igu walaahiya, bilaahiya, in aanan ka mid ahayn kuna jirin unug, urur iyo xisbi siyaasadeedtoona, kana mid noqonayn urur, xisbi kale intaan xilka hayo, uguna adeegayo bulshada Somaliland cadaalad, sinnaan iyo daacadnimo).

QODOBKA 2AAD

  QABASHADA CODSIYADA DIIWAANGELINTA

1. Guddidu waxay ku baahinaysaa warbaahinta dalka mudada bilowga qabashada codsiyada diiwaan-gelinta ururada siyaasadeed iyo mudada dhammaadka qabashada codsiyada diiwaan-gelinta iyo ciwaanada lagu soo hagaajinayo ee xarunta gobollada iyo degmooyinka dalka. Mudada qabashada codsiyada diiwaan-gelintu waa 2 bilood gudahood oo ka bilaabmeyso maalinta la bilaabo qabashada codsiyadda. 

2. Urur kasta oo doonaya in loo diiwaan-geliyo urur siyaasadeed, waa inuu ku soo qortaa arji foomka loogu talo-galay, kuna soo hagaajiyo guddida, kuna lifaaqanaadaan cadaymaha iyo qoraalada soo socda:

b. Goortii iyo goobtii ururku ku qabtay shirkii aasaaska ururka ee ugu horeeyey.

t. Liiska magacyada aasaasayaasha ururka (gudidda fulinta) iyo habkii loo doortay hawl-wadeenada. 

j.Qaab-dhismeedka ururka oo ay ku cadahay magaca ururka oo dhan iyo habka uu u qormaayo marka la soo gaabiyo, calaamadaha ururka iyo hal-ku-dhegyadiisa.

x. Caddayn bixin deebaaji oo dhan SL. Sh 5,000,000/= (Shan Milyan) oo aan celis lahayn.

QODOBKA 3AAD

XISBIYADA SIYAASADEED EE KU MEEL GAADHKA AH

1. Markay dhamaato mudada qabashada araajida diiwaan-gelinta ururada, guddidu waxay hubinaysaa ururada buuxiyey shuruudihii looga baahnaa, waxaanay siinaysaa oggolaansho ku meel gaadh ah oo uu ururkaasi ku hawl-galo.

2. Mudada hawl-galada ururada siyaasadeed waa 3 bilood oo ka bilaabanta taariikhda ogolaanshaha ku meel gaadhka ah la siiyey.

3. Urur kasta/xisbi kasta waa inuu ku keenaa mudada ku xusan faqradda 2aad ee qodobkan qoraalada iyo cadeymaha soo socda:

b. Qabashadii shirweynaha  ee ururka ama xisbiga, meeshii uu ku qabtay, taariikhduu qabsoomay, iyo wixii ugu weynaa ee ay qabteen.

t. Caddayn inuu ururkaasi ama xisbigaasi uga diiwaan-gashan yihiin 500 (shan boqol) oo xubnood ugu yaraan gobol kasta.

4. Xisbi ama ururka la siiyo ogolaansho ku meel gaadh ah oo uu ku hawl-galo, waa in guddidu siisaa nuqul ka mid ah xeerka axsaabta si uu ugu saleeyo xeerarkiisa.

5. Xisbi, urur kasta oo siyaasadeed waa in xeerkiisa ku cadahay ku dhaqanka dimuqraadiyadda iyo talo- wadaaga, hogaamintuna ay ka timaado hoosta ee aanay taladu ka imanin xagga sare.

6. Inuu guddida u keeno 10 nuqul oo daabacan oo ah xeerarkiisa, ciwaanadiisa, gobol iyo degmooyinka dalka, ay ku dhan tahay.

7. Urur/xisbi kasta waa in xeerkiisu waafaqsan yahay distoorka dalka JSL iyo xeerarkiisa.

8. Urur kasta, xisbi kasta waa inuu xubin ka noqon karo qof kasta oo u dhashay Somaliland oo aan qofna loogu diidi karin qabyaalad, diin, dhadig, labood iwm.

9. Ururka siyaasadeed ee loo ansixiyo xisbi, kuma biiri karo xisbi kale doorashada ka hor, sidoo kale waa iney xeerkiisa ku cadaataa inaan laga saari karin/eryi karin xisbiga xubin amma xubno loo doortey  golayaasha sharciga ah, xubnaha loo doortey golayaashana aanay ku biiri karin xisbi.

10. Xisbi kasta oo siyaasadded waa in barnaamijkiisa ay ku cadaato qorshan:

b. Sugidda nabdagelyadda, deganaashaha iyo xasiloonada dalka

t. Horumarinta waxbrashadda iyo diinta

j. Horumarinta caafimaadka iyo fayo-dhawrka

x. Daryeelaka iyo ilaalinta deegaanka

kh. Dhaqaaleynta iyo soosaarida kheyraadka dabiiciga ak ee dalka

d. Horumarinta cilmiga iyo tiknoolajiga

11. Seddexda urur ee doorashada dawladaha hoose ka hela 20% codadka gobol kasta, aya loo aqoonsanayaa Xisbi siyaasi ah oo qaran lana siin doona shahaadada aqoonsiga xisbi qaran.

12. Haddii hal urur oo keliya ku guuleysto doorashada oo uu ka helo 20% codadka gobol kasta, guddidu waxay u aqoonsaneysaa xisbi siyaasadeed isaga iyo labada xisbi ee ku xiga codaka gobol kasta.

13. Haddii ururada siyaasadeed midna gaadhiwaayo 20% wuxuu guddigo u aqoonsanayaa xisbi siyaasadeed 3da urur ee ugu tirada badan codadka doorashooyinka goboladda Dalka.

 14. Haddii ay is le’ekaato tiradda codadka laba urur ama ka badan waxaa loagu celinayaa tartanka ururadda mar kale oo ay cayinto Dawladu.

QODOBKA  4AAD

WAXYAALAHA KA REEBAN URUR/XISBIYADA

1. Waxa ka reeban xisbi kasta inuu u soo gudbiyo guddida warbixin been ah ama qaldan.

2. Xisbina kama muuqan karo xeerarkiisa qodob ama qodobo ka hor imanaya dastuurka iyo shareecada Islaamka.

3. Urur/xisbi kasta waxa ka reeban inuu dhaqaale ka helo ilo shisheeye ah oo uu u adeegsado hawlihiisa iyo dhaq-dhaqaaqyadiisa siyaasadeed.

4. Xisbi kasta waxaa ka reeban inuu hantida qaranka Somaliland u adeegsado ama u isticmaalo hawlihiisa u gaarka ah ee doorashooyinka.

4. Xisbi kasta waxa ka reeban inuu adeegsado kooxo ama ciidan hubaysan oo uu ku fushado danihiisa gaarka ah.

QODOBK A  5AAD

  XUQUUQDA XISBIYADA SIYAASADEED

1. Xisbiyada siyaasadeed ee la siiyey shahaadada xisbinimo siyaasadeed, waxay xaq u leeyihiin.

b. Inay si siman u adeegsadaan warbaahinta qaranka waxaanay yeelan karaan warbaahin u gaar ah, markay ogolaansho ka helaan hay’adaha ku shaqo leh..

t. inay si xor ah u gudbiyaan afkaartooda siyaasadeed iyagoon wax u dhimayn xasiloonida guud iyo nabad-gelyada dalka JSL.

j. In aan la cabudhin Karin lana xidhi Karin xisbi, hanti gaarana wuu yeelan karaa.

x. Xisbi siyaasadeed dhaliil wuu u soo jeedin karaa ama wuu dhaliili karaa xisbi kale ama xukuumadda.

kh. Xisbiyada wixii cabashooyin ah ee ay ka tawdaan guddida waxay qoraal ahaan ugu gudbinayaan Maxkamadda Gobolka ay cabashadu ka jirto. 

d. Haddii ay ku qanci waayaan go’aanka Maxkamadda Gobolka ka soo saato, waxay racfaan uga qaadan karaan Maxkamadda Dastuuriga ah oo dib u eegeysa dacwadaas.

QODOBKA  6AAD

  MUSHARIXIINTA U TARTAMAYSA DOORASHOOYINKA

1. Qof kasta oo muwaadin Somalilander ah waxa uu xaq u leeyahay in la doorto, waxna dooran karo, hase yeeshee waxa musharax noqon kara.

b. Muwaadin Somalilander ah, xisbina soo sharaxay, buuxiyeyna shuruudaha xeerku jideeyey.

t. Ma bannaana in musharax madax banaani oo aan magaca xisbi wadanin isi soo sharaxo.

2. Guddiga xisbiga ee gobol kasta ayaa soo magacaabaya musharixiinta heerka degmooyinka.

   

Nagala soo xidhiidh: adminyurub@xisbiga-udub.com                       Xarunta xisbiga UDUB: udub@bgtinet.com

© Xisbiga UDUB, 2002

Start ] Uppåt ] War iyo Wacaal ] Aagagga ] Isdiiwaangelin ] Ra'yiga Dadweynaha ] Doorashooyinka ] Maamulka ] Archives ] Suugaanta ]