Xeerka UDUB

URURKA  DIMUQRAADIGA  UMMADDA  BAHAWDAY

JAMHUURIYADDA  SOOMAALILAAND

11 mar 2003

[Start] [Uppåt]   

 

Qodobka 1aad

Magaca Xisbiga

Magaca Ururka, waa Xisbiga (Dimuquraadiga ee Ummadda Bahawday)  oo marka la soo gaabiyo noqonaya XisbigaUDUB.

Qodobka 2aad

Astaanta & Calanka Xisbiga

Astaanta Xisbiga iyo Calankiisu waa isku mid, waana gogol doogo ah oo dhexda uu ka qotomo udub midabkiisu cad yahay, dhudiisana xarfaha udub ay si qoton ah   ugu qoran tahay  midab dooge ah, faraaraha UDUB-ka  dhexdooda waxaa ku qoran ereyada takbiirta Ilaahay (allaahu akbar) oo af carabi ah, midabkooduna yahay caddaan.

Qodobka 3aad

Xarunta Xisbiga

Xarunta Xisbiga UDUB, waa Magaalo-madaxda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

 Qodobka 4aad

Mabaadiida Guud

4.1. Waa Xisbi mabaadii,diisa guud ku salaysan tahay Diinta Islaamka iyo dhaqanka hufan iyo bulsho
      xor ah oo sinnaan iyo caddaalad ku wada nool.
 
4.2. Waxaa saldhig u ah Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland .
 
4.3. Wuxuu aaminsan yahay, ilaalinayaana gooni isu taagga iyo jiritaanka JSL.
 
4.4. Wuxuu ilaalinaya- midnimada , cadaaladda iyo sinnaanta Ummadda SL.
 
4.5. Wuxuu ilaalinayaa, joogteynayaana, guulaha Ummaddu ka gaadhey dhinaca
      Dimuquraadiyadda ee oggolaanaya, inay bulshadu ku doorato hoggaankeeda qaab ku dhisan
      mabda’a cod bixinta xorta ah ee muwaadinka.
 
4.6. Wuxuu kobcinayaa dhaqaalaha dalka, si ay Ummaddu u wada gaadho horumar iyo nolol tayo
      heer sare ah leh.
 
4.7. Wuxuu badbaadinayaa, degaan-nololeedka dalka SL iyo Nabadda guud ee Gobolada JSL iyo
      deriskeenna.
 
4.8. Xisbigu wuxuu oggol yahay, xorriyadda ra’yiga , wada tashiga iyo wada doodidda.
 
 
 
4.9. Xisbigu wuxuu taageersan yahay xuquuqda Haweenka ee dhinaca siyaasadda, bulshada iyo
      maamulkaba.

Qodobka 5aad

Xubinnimada Xisbiga

5.1. Waxaa xubin ka noqon kara Xisbiga UDUB, qof kasta oo muwaadin SL ah, oo da’diisu  gaadhey
      15 sannadood, oo aaminsan mabaadii’idiisa, Kuna dhaqma  shuruucdiisa.
 
5.2. Waxaa Golaha Dhexe siin karaan xubin sharafeed cid aan Xisbiga ahayn, hasa
      yeeshee waxtar muuqda u leh hawlaha Xisbiga.
 
5.3.  Aqbalaadda codsiga xubinnimada, waxaa leh Gudida laanta.
 
5.4.  Xubinta la oggolaaday, waxay yeelanaysaa Kaadh leh astaanta Xisbiga.
 
5.5.  Xubinta Xisbigu wuxuu ku dhaaranayaa “WAXAAN MAGACA ILAAHAY UGU   
       DHAARANAYAA IN AAN DALKAYGA DAACAD U AHAY, MABDA’A   
       XISBIGA UDUB-NA AAMINSANAHAY”.
 
5.6.  Xubin kasta, waxay bixinaysaa Ishtiraak joogto ah seddexdii biloodba mar,  oo uu
       qadderkiisa goyn  doono Golaha Dhexe ee Xisbiga.
 
5.7.  Qofkii aan awoodi Karin, waxaa ka dhaafi kara, Guddiga Laanta ee Xisbiga,
       asaga oo raacaya habka xeer-hoosaad qeexayo.

Qodobka 6aad

Xuquuqda & Waajibaadka Xubinta

6.1. Xuquuqda:
 
b) Wuxuu ka qayb qaadan karaa doodda, soo jeedinta & fulinta siyaasadda Xisbiga.
 
t)  Wuxuu xaq u leeyahay, in lagu wargeliyo hawlaha siyaasadda iyo waxqabadka Xisbiga.
 
j)  Wuxuu ka qayb qaadan karaa doorashooyinka,  isna waa la dooran karaa, loona magacaabi karaa – jago ama Guddiyada Xisbiga.
 
x)  Wuxuu u soo gudbin karaa talooyin, laanta, Degmada, Gobolka , Golaha Dhexe  iyo
     Shirweynaha Xisbiga.
 
6.2. Waajibaadka:
 
b) Xubinta, waa inay kaalin firfircoon ka qaadataa ( kaga jirtaa) hawlaha laanta uu ka tirsan
    yahay iyo guud ahaan Xisbigaba.
 
t)  Inuu xog-ogaal u yahay ujeedooyinka, himilooyinka iyo siyaasadda Xisbiga , una hawl galaa fulintooda
 
j)  Inuu xog ogaal u noqdo xaaladda nololeed ee bulshada, siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka.
 
x)  Inuu ka hortago wixii dacaayad ah ee waxyeelaya, isla markaana difaacaa ujeedooyinka Xisbiga.
 
Kh) Inuu la dagaalamo iska horimaadka beelaha, qabyaaladda, Gobolaysiga iyo dhaqan  xumida.
 
d)  Inuu ilaaliyo kala dambaynta, daacadnimada iyo u hoggaansanaanta go,aanka aqlabiyadda.
 
r)  Inuu wargeliyo laantiisa hadduu ka wareegayo (guurayo) goob oo uu u wareegayo (guurayo) goob kale.

Qodobka 7aad

Qaab-dhismeedka Xisbiga UDUB

7.1. Xisbiga UDUB, wuxuu ka kooban yahay:
 
b)  Shirweynaha Xisbiga ee heer Qaran.
 
tShirka Xisbiga ee heer Gobol.
 
j)  Shir Xisbiga ee heer Degmo.
 
x) Iyo Kulanka Laanta.
 
7.2. Laamaha, waxaa laysugu xidhi karaa aagag, ama waxaa loo sii qaybin karaa unugyo yar-yar
      meelaha qaab-dhismeedku u muuqdo.
 
7.3. Garabka Haweenka ee UDUB wuxuu leeyahay dhammaan qaab-dhismeedka Qaran, Gobol, Degmo
      ilaa laan.
 
7.4. Garabka dhalinyarada ee UDUB, waxay xubnihiisu noqonayaan dhalinyarada da’doodu u
      dhaxayso 15-25 jir, wuxuuna yeelanayaa qaab-dhismeedka Xisbiga UDUB ilaa heer Qaran,
      Gobol, Degmo ilaa laan.

Qodobka 8aad

    Gobollada  

               
8.1. Gobollada Xisbigu waxay la mid yihiin Gobollada Qaranka JSL
 
8.2. Magaalo-madaxyada Xisbiga ee heer Gobol, waxay ahaanayaan magaalo-madaxda Gobolka.

Qodobka 9aad

Shirweynaha heer Qaran ee Xisbiga UDUB

9.1. Laga bilaabo Shirweynaha labaad, qaab-dhismeedka Xisbigu wuxuu u soconayaa  habka  min
      hoos ilaa kor (bottom-up approach).
 
9.2. Mudada Shirweynaha Xisbigu waa shan sano, waxaana isugu yeedha, qaban-qaabiyana
      Xoghayaha Guud oo ka wakiil ah Golaha Dhexe iyo Guddida Fulinta ee Xisbiga
 
9.3. Shirweynuhu, wuxuu ku salaysnaanayaa, talo-wadaag , wada-tashi iyo is-qancin.

Qodobka 10aad

Waajibaadka & awoodda Shirweynaha Qaran

10.1. Wuxuu dejiyaa Siyaasadda , Qorshayaasha iyo Xeerka Xisbiga UDUB.
 
10.2. Wuxuu Shirweynuhu iska dhex dooranayaa Guddoomiyaha Shir-gudoonka iyo afar xubnood oo
        kale, maalinta ugu horreysa Shirweynaha heer Qaran ee Xisbiga.
 
10.3. Wuxuu dhageystaa, kana doodaa, warbixinnada Golaha Dhexe oo ay ugu muhimsan tahay
        khudbadda Guddoomiyaha, warbixinta Xoghayaha Guud, warbixinta hawleedka Garabka
        haweenka, Garabka dhalinyarada iyo warbixinta khasnajiga Guud ee Xisbiga UDUB.
 
10.4. Wuxuu awood u leeyahay inuu wax ka beddelo, Wax ku daro, waxna ka dhimo ama baabi'iyaba
        Go’aammada ay qaateen xubin-dhismeedyada kala duwan ee Xisbiga-labada Shirweyne
        dhexdooda.
 
10.5. Wuxuu dooranayaa Guddoomiyaha, guddoomiye ku xigeenka iyo xubno Golaha Dhexe ee
        Xisbiga ee Xeerku awood u siinayo.
 
10.6. Wuxuu awood u leeyahay, inuu doorto ama magacaabo Guddi ama ergo uu u xil saaro shaqo
        ama hawl mucayin ah, muddada Shirweynuhu socdo.

Qodobka 11aad

Ergada codbixiyayaasha ah

11.1. Tirada ergooyinka oo ka kooban:
 
b)  Xubno laga soo doorto Golaha Gobolka iyo Degmooyinka , kana mid ah laanta muddo aan ka yarayn seddex bilood.
 
t)  Tirada ergooyinka Shirweynaha Qaran ka imanaya Gobol walba, waxaa xaddidaya Golaha dhexe, iyadoo tirada ergooyinka laamaha uga soo qaybgelaya lagu salayn doono tiradooda xubinnimo (xagga badnaanta)- membership, iyadoo tirada saamiga uu Xeer-hoosaad qeexi doono.
 
j)   Xubno ay soo xushaan Garabka Haweenka Xisbiga UDUB iyo Garabka dhalinyarada Xisbiga UDUB.
 
x)  Dhammaan xubnaha Golayaasha Qaranka JSL ugu jira Xisbiga UDUB ee aan ku jirin ergooyinka kor lagu magacaabay.
 
kh) Dhammaan Xubnaha Golaha Dhexe Xisbiga UDUB ee Hore xilka Golaha Dhexe u hayey ee
     Shirweynihii hore lagu doortay.
 
 
11.2. Ergada aan codbixinayn:
   Golaha Dhexe Xisbiga UDUB, wuxuu casumi karaa ergo xubno goob-joogayaal ah oo aan lahayn
   cod.Loona arkay inay Shirweynaha waxtar ugu filan yihiin, Xisbigana hore wax u taray.
 
11.3. Qaabka doorashada shirweynuhu waa gacan taag.

Qodobka 12aad

Golaha Dhexe ee Xisbiga UDUB

12.1. Golaha Dhexe
       
Golaha Dhexe, waa hay’adda ugu sarraysa Xisbiga UDUB muddada labada Shirweyne dhexdooda, waxaanay leedahay awoodda hoggaaminta Xisbiga, iyagoo adeegsanaya Xeerka Xisbiga UDUB. Golaha Dhexe tiradiisu wadar ahaan waa 161 xubnood (oo 10 ka mid ah guddoomiyuhu ku soo xulayo aqoontooda iyo kartidooda 19 ka mid ahina  yihiin Guddiga Fulinta,  waana la kordhin karaa hadba sidii loogu baahdo.
 
12.2. Awoodda Golaha Dhexe:
 
b)  Waa inuu fuliyaa go’aamada iyo awaamiirta ka soo baxda shirweynaha Qaran
 
t)  Waa inuu gudbiyaa tilmaamooyinka iyo awaamiirta, kana helaa warbixin dhammaan Golaha (Guddiyada Xisbiga).
 
jWuxuu kormeeraa, jiheeyaana shaqooyinka Xisbiga UDUB iyo qaybihiisa guud ahaanba.
 
x)  Wuxuu hubiyaa hawlgalada iyo dhismayaasha heer Gobol iyo Degmo ee Xisbiga, in uu si Dimuqraadiya oo wax ku ool ah u fulay.
 
Kh) Wuxuu dusha kala soconayaa hawlaha Garabka Haweenka iyo Garabka Dhalinyarada.
 
c)  Wuxuu dhisaa Waaxyo iyo Guddiyo kolba sidii loo arko inay ku haboon yihiin.
 
r)  Wuxuu iska xil saaraa maamulka iyo ilaalinta hantida Xisbiga.
 
s)  Hawl u diridda iyo xil u dhiibidda Guddida fulinta iyo daba-galkooda.
 
Sh) Golaha Dhexe ee xisbigu wuxuu awood u leeyahay inuu dejiyo Xeer hoosaadyo iyo shuruuc si
      loo fuliyo hawlaha Xisbiga UDUB.
 
Dh) Golaha Dhexe ee Xisbigu wuxuu awood u leeyahay inuu dejiyo nidaam  asluubeed oo ku
      wajahan dhammaan haykallada guud, saraakiisha ,
      wakiilada , xafiisyada iyo xubnaha Xisbigaba.
 
      c) Golaha Dhexe ee Xisbiga UDUB, wuxuu yeelanayaa Guddi joogto ah, kuwaas oo ka kooban:-
bullet
Xubnaha Guddiga Fulinta Xisbiga.
bullet
Guddoomiyayaasha Xisbiga UDUB ee Gobollada.
bullet
Guddoomiyayaasha Guddi-hoosaadyada Golaha Dhexe UDUB.
 
     g) Golaha Dhexe ee UDUB wuxuu yeelanayaa lix Guddi-hoosaad xagga shaqada,        
          kuwaas oo kala ah:-
bullet
Guddiga Siyaasadda.
bullet
Guddiga Maaliyadda.
bullet
Guddiga Shuruucda iyo Anshaxa.
bullet
Guddiga Abaabulka iyo Wacyigelinta
bullet
Guddiga Arrimaha Bulshada.
bullet
Guddiga Difaaca iyo Nabadgelyada
 
12.3. Golaha Dhexe, wuxuu xilka haynayaa muddo shan sannadood ah, waxaana lagu dooranayaa
        Shirweynaha cod gacan taaga oo hal dheeriya:
 
b)  Golaha Dhexe, wuxuu awood u leeyahay inuu magacaabo hanti dhawr madaxbanaan.
 
t)  Golaha Dhexe, wuxuu iska dhex dooranayaa kal-fadhigiisa kowaad Xoghayaha Guud, ku
     xigeenka Xoghayaha Guud, Khasnajiga Guud, Madaxa abaabulka iyo Wacyigelinta iyo 13
     xubnood oo kale oo ka mid ah Guddiga fulinta Xisbiga , waxaan lagu do oranayaa gacan taag
     hal dheeri ah.
 
j)  Guddoomiyaha, Xoghayaha, Khasnajiga iyo Wacyigelinta Guddiga dhexe ee Gobollada si toosa ayey uga mid noqonayaan Golaha Dhexe ee heer Qaran ee Xisbiga.
 
X)  Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Garabka Haweenka ee Xisbiga UDUB si toosa  ayey uga mid
     yihiin Golaha Dhexe ee heer Qaran.
 
Kh) Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Garabka Dhalinyarada ee Xisbiga UDUB, iyaguna si toos ah
     ayey uga mid yihiin Golaha Dhexe ee Xisbiga UDUB.
 
d)  Haddii jago Golaha Dhexe ay bannaanaato sabab-kasta awgeed, Golaha Dhexe Wuxu awood u leeyahay inuu buuxiyo jagadaas.
 
r)  Golaha Dhexe wuxuu isugu imanayaa kal-fadhi seddex biloodle ah, wuxuuna dajeniyaa qaab siyaasadeed iyo nidaamka ay ku hawlgalayaan Guddiga fulintu.
 
s)  Labada kal-fadhi ee ugu dambeeya mid ka mid ah ee ku beegan soo dhawaanshaha xilliga Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, waxaa Golaha Dhexe ku dooranayaan musharixiinta Xisbiga ee jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka u tartamaya oo isku lammaan. Waxaa loo raacayaa doorashada qaabka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UDUB loo doorto ee ku xusan Xeerkan Qodobkiisa (12.4 “ b”,
      ” t” iyo” j”)
 
12.4. Qaabka Doorashada Shirweynaha ee Golaha Dhexe:
 
b)  Xubinta Xisbiga UDUB ee doonaysa inay isu sharraxdo  jagada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga waxay u gudbinayaan codsiga musharraxnimadooda shir-guddoonka Shirweynaha.
 
t)  Musharrixiinta jagooyinka Gudoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga waa inay ahaadaan kuwo isku lammaan. Jagooyinka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Waxay ku guuleysanayaan lammaanaha wareegga hore hela cod ka badan kala badh tirada ergada Shirweynaha ee codaysay.
 
j)  Haddii ay cidina ku guulaysan weydo wareegga koowaad, sida xubinta “b” ku cad labada lammaane ee ugu tirada badan ayaa wareeg labaad oo doorasho ah laysku celinayaa, waxayna ku kala baxayaan cod hal dheeri ah.
 
x)  Xubnaha kale ee Golaha Dhexe ka mid noqonaya ee Shirweynuhu dooranayo, waa inuu marka hore ee uu isa soo sharraxayo  ka helaa Ergooyinka  afar (4) ergay oo taageera, ergeyga musharrax hore taageero siiyaana, ma siin karo musharrax kale cod taageero labaad.

Qodobka 13aad

Guddiga Fulinta Xisbiga UDUB

13.1. Guddiga Fulintu waxay ka kooban tahay sagaal iyo toban (19) xubnood oo kala ah:

bullet

Guddoomiyaha Xisbiga.

bullet

Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga.

bullet

Xoghayaha Guud ee Xisbiga.

bullet

Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga

bullet

Khasnajiga Guud ee Xisbiga.

bullet

Madaxa abaabulka iyo wacyigelinta Xisbiga iyo

bullet

13 xubood oo laga dhex dooranayo Golaha Dhexe

13.2. Awoodda Guddiga fulinta:

bullet

Waxay fulinayaan go’aamada iyo awaamiirta Shirweynaha Qaran iyo Golaha Dhexe ee Xisbiga UDUB.

bullet

Waxay socodsiiyaan hawlmaal-meedka Xisbiga UDUB.

bullet

Waxay hubiyaan in Goballada iyo Degmooyinku ay u fuliyeen go’aamada Xisbiga sidii loogu talo galay.

bullet

Waxay siiyaan kal-fadhiga Golaha Dhexe warbixinno la xidhiidha hawlaha Xisbiga.

Qodobka 14aad

Maaliyadda Xisbiga

14.1. Golaha Dhexe ayaa iska dhex dooranaya Guddiga Maaliyadda ee Xisbiga oo tiradooda Goluhu
        uu go’aamin doono.
 
14.2. Golaha Dhexe ayaa tilmaamaya awoodda Guddiga Maaliyadda.
 
14.3. Guddiga Maaliyaddu waxay siisaa Golaha Dhexe warbixinta Maaliyadda kalfadhi kasta, Guddida
        fulinta-na bilkasta.
 
14.4. Ilaha Dhaqaalaha ee Xisbigu waxay ka imanayaan qaybaha kala ah:
 
b) Ish-tiraak joogto ah oo xubnaha Xisbigu seddexdii biloodba mar bixiyaan.
 
    t) Taakuleynta rasmiga ah ee Dawladdu ugu deeqdo Axsaabta rasmiga ah.
 
    j) Tabarucaadka xubnaha iyo taageerayaasha Xisbigu bixiyaan.
 
    x) Faa,iidada ka soo baxda maalgelinta gaarka ah ee Xisbiga.
 
  kh) Dakhliga ka soo baxa iibka qoraallada iyo wixii la mid ah.
 
   d) Guddida Maaliyaddu  waxay xaq u leeyihiin inay Maalqabeennada xubnaha ka ah Xisbiga
       weydiistaan taakulayn markay xaalad xumi la soo daristo Xisbiga.
 
14.5. Guddida Maaliyaddu, waxay dabagal ku samaynaysaa dhammaan Dakhliga iyo Kharashka
        Xisbiga, waxaanay diiwaangelineysaa hantida ma-guurtada ah ee Xisbiga UDUB.
 
14.6. Guddida Maaliyaddu, waxay yeelanaysaa Guddiyo Maaliyadeed ee heer Gobol iyo heer Degmo
        ah.

Qodobka 15aad

Waajibaadka & hawlaha Hoggaanka Xisbiga

15.1. Guddoomiyaha Xisbiga:
       Guddoomiyuhu, waa madaxa iyo hoggaanka Xisbiga UDUB, waxaanu shirweynaha ku leeyahay
       mudnaanta koowaad. Waana inuu:-
 
b)  Shirweynaha Qaran u soo jeediyaa khudbad ka warramaysa xaaladda dalka iyo guud ahaanba arrimaha siyaasadda dalka iyo Xisbigaba.
 
    t)  Wuxuu Guddoomiyaa kal-fadhiga Golaha Dhexe iyo Guddiga fulinta, isagoo raacayaa Xeerka
        Xisbiga.
 
    j)  Wuxuu jiheeyaa dhammaan hawlaha Xisbiga, isagoo ka tilmaan qaadanaya go’aamada Golaha
        Dhexe iyo Guddiga fulinta.
 
15.2. Guddoomiye ku-xigeenka:
 
bullet
Guddoomiye ku-xigeenku wuxuu ku kaalmaynayaa Guddoomiyaha hawsha Xisbiga.
bullet
Wuxuu fuliyaa wixii hawl uu u igmado Guddoomiyaha Xisbigu.
bullet
Gudoomiyuhu markuu maqan yahay, Gudoomiye ku xigeenka ayaa buuxinaya kaalinta Guddoomiyaha.
 
15.3. Haddii :-
 
b)  Guddoomiyaha ay geeriyi ku timaado ama uu hawshiisa gudan kari waayo ama uu is-casilo, waxaa xilkiisa qabanaya Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga.
 
u)  Gudoomiye ku-xigeenka hadday ku timaaddo xaalad la mid ah tan “b” Guddoomiyaha ayaa ku-xigeenkiisa ka dhex magacaabaya G/Dhexe Xisbiga.
 
j)   Hadday labadaba ku timaado xaaladdaasi (xaaladda “b”), muddo seddex bilood gudohood ah ayaa Shirweyne laysugu yeedhayaa, Xoghayaha guud ee Xisbiga ayaana xilka sii haynaya muddadaas.
 
15.4. Xoghayaha Guud:
 
b)  Waa madaxa maamulka iyo fuliyaha hawl-maalmeedka Xisbiga UDUB,
     waa inuu :-
 
t)  Keydiyaa dhammaan qoraalada Shirweynaha Qaran ee Xisbigu leeyahay
 
j)  U gudbiyaa Gobollada wararka muhimka ah ee Golaha Dhexe iyo Guddiga Fulinta, waxaanu ku
    dhawaaqaa isagoo ka wakiila Guddiga fulinta iyo Golaha Dhexe waqtiga la qabanayo
    Shirweynaha iyo shirarka aan caadiga ahayn ee Golaha Dhexe iyo Guddiga fulinta.
 
x)  Kal-fadhiga Golaha Dhexe ee aan caadiga ahayn waxaa muddeynaya Guddiga Fulinta,
    waxaana gaadhsiinaya xubnaha Golaha Dhexe Xoghayaha Guud.
 
kh) U gudbiyaa Golaha Dhexe, Guddiga Fulinta iyo dhammaan Guddiyada Gobollada go’aamada
      iyo
     awaamiirta Shirweynaha Qaran, isagoo had iyo jeer hubinaya in sidii loogu talo galay loo
     dhaqan galiyey.
 
     d)  Diyaarinta warbixin xilliyeedka hawlaha Golaha Dhexe iyo Guddiga fulinta Xisbiga UDUB.
 
     r)  Qabtaa shaqooyinka Guddoomiyaha, haddii gudoomiyaha iyo gudoomiye ku-xigeenku ay
         maqan yihiin.
 
15.5. Ku-xigeenka Xoghayaha Guud:
Ku-xigeenka Xoghayaha Guud wuxuu kaalmeeyaa Xoghayaha Guud, waxaanu qabtaa shaqadiisa marka uu maqan yahay iyo wixii hawlo kale ah ee uu u igmado Xoghayaha Guud.
 
15.6. Khasnajiga Guud:-
        Khasnajiga Guud, waa madaxa keydinta dhaqaalaha iyo hantida Xisbiga, waa inuu:-
 
b) Qabtaa, kuna xareeyaa Baanka dhammaan lacagaha Xisbiga, isagoo ka wakiila Golaha Dhexe,
    iyadoo uu hawshaa ku wehliyo Xoghayaha Guud Xisbiga UDUB lana saxeexayo Jeegagga
    Dakhliga iyo Kharashka..
 
t) Keydiyaa Buug-xisaabeedka, si loogu fidiyo dhammaan qaab-dhismeedka Xisbiga.
 
j) Wuxuu ka masuul yahay isagoo la kaashanaya Guddiga Maaliyadda inuu dejiyo qorshayaal
   dhaqaale lagu soo hoynayo.

Qodobka 16aad

Dhismaha Xisbiga ee Heer Gobol

16.1. Shirka heer Gobol waa hay’adda ugu sarraysa Xisbiga ee Gobolka.
 
16.2. Shirka heer Gobol waa in:
 
b)  La qabto labadii sannadoodba mar, haddaanay seddex meelood hal meel laamaha Gobolku (1/3) dalban shir aan caadi ahayn.
 
t)  Ergooyinka shirka waa in si Dimuqraadiya looga soo doortaa laamaha Gobolka. Tirada saamiga
    Xeer-hoosaad baa qeexi doona.
 
j)  Waxaa ka soo qayb galaya dhamaan xubnaha guddiga gobolka.
 
x)  Waxaa ka soo qayb galaya dhammaan xubnaha Guddiga Goloyaasha deegaanka ugu jira Xisbiga.
 
Kh)  Waxuu fuliyaa go’aamada ka soo baxa Shirweynaha  Qaran, Golaha Dhexe iyo kuwa Guddiga
      fulinta  UDUB.
 
d)  Wuxuu dhageystaa, falanqeeyaana, warbixinnada Guddiga fulinta ee Gobolka.
 
r)  Wuxuu doortaa xubnaha Guddiga  fulinta Gobolka oo ay ka mid yihiin, Gudoomiyaha,
     Gudoomiye ku-xigeenka, Xoghayaha Gobolka, Xoghaye ku-xigeenka, khasnajiga, madaxa
     Abaabulka iyo Wacyigelinta iyo xubnaha Guddiga Gobolka, Xilkana waxay haynayaan muddo
     laba sannadood ah.
 
Sh) Wuxuu dejiyaa qorshaha shaqo ee Xisbiga ee heer gobol, kaas oo waafaqsan siyaasadda iyo
      qorshaha Xisbiga UDUB.
 
Dh) Waxay soo jeediyaan musharrixiinta uga qaybgelaya Gobolka doorashada Baarlamaanka,
      iyadoo ay ansixin doonaan Golaha Dhexe.
 
 c)  Waxay magacaabaan musharrixiinta Xisbiga uga qayb gelaysa doorashooyinka D/Hoose.

Qodobka 17aad

Guddiga Gobolka

17.1. Guddiga Gobolka, waa hay’adda ugu sarraysa Xisbiga Gobolka labada shir dhexdooda,
        tiradooduna waa ugu yaraan soddon (30), ugu badnaanna afartan (40) xubnood. Doorashada
        Guddiga fulinta Gobolka iyo Guddida Gobolkaba, waxaa la raacayaa habka ku xusan nidaamka
        doorashada ee Guddiyada heer Qaran ee Xisbiga UDUB.
 
17.2. Guddiga GobolkuWuxuu fadhigiisa kowaad iska dhex doortaa 11 (kow iyo tobon ) xubnood oo
        ka kooban Gudoomiyaha , Gudoomiye ku-xigeenka , Xoghayaha Gobolka , ku-xigeemka
        Xoghayaha,  khasnajiga, Madaxa abaabulka iyo shan xubnood oo laga soo dooranayo shirka
        gobolka.
 
17.3  Garabka Haweenka ee Xisbiga UDUB iyo Garabka Dhalinyarada ee Xisbiga UDUB waxay ku soo
        darsanayaan Shirka Gobolka laba xubnood oo leh xaqa codeynta.
 
17.4  Guddiga gobolku waxay yeelanayaan shir laba billoodle ah.

Qodobka 18aad

Guddiga Gobolka

18.1  Shaqada Guddiga Fulinta Gobolka:-
 
b)  Waa inuu fuliyaa go’aamada shirka Gobolka, kan  Golaha Dhexe iyo Guddiga fulinta Xisbiga UDUB.
 
t)  Wuxuu u gudbiyaa Golaha Dhexe ee Xisbiga warbixinnada shirka Gobolka ee ku saabsan
     xaaladda guud iyo ta dhaqaale ee Xisbiga Gobolka  iyo wixii kale ee  looga baahdo.
 
j)  Waxay kormeeraan shaqooyinka Xisbiga ee Degmooyinka Gobolkaas.
 
x)  Guddiga Gobolku wuxuu awood u leeyahay inuu sameeyo Xeer hoosaadyo iyo shuruuc ku wajahan shaqada Xisbiga Gobolka ee Xisbiga UDUB.
 
    Kh) Xeer hoosaadyada iyo shuruucdaasi waa inay waafaqsan yihiin Xeerka Xisbiga UDUB.
         Shuruucda ay dejiyaan Guddiga Gobolku, waxaa lagu dhaqmi karaa oo keliya markay
         ansixiyaan Golaha Dhexe ee Xisbiga UDUB.
 
d)  Waxay fuliyaan siyaasadda iyo qorshaha Xisbiga UDUB.
 
r)  Waxay fulisaa shaqooyinka iyo hawlaha Guddiga Gobolka, kaasoo ay si joogta ah ay warbixin u siiso waqtiga Shirka Gobolka.
 
s)  Guddiga Fulinta ee Gobolku,Waa inay kulantaa todobaadkiiba hal mar.

Qodobka 19aad

Dhismaha Degmada

19.1. Degmo waliba waa inay sannadkii shir guud yeelato, kaas oo lagu doorto Guddiga Degmada oo
        tiradoodu tahay 15 ilaa 20 xubnood oo iska sii dhex dooranaaya 9 xubnood oo Guddiga fulinta
        Degmada ah, oo kala ah, Guddoomiye, Guddoomiye ku-xigeen, Xoghaye, Xoghaye ku-xigeen,
        Khasnaji, madaxa Abaabulka iyo wacyigelinta iyo seddex xubnood oo ka mid ah Guddiga fulinta
        Degmada.
 
19.2. Laan walba oo kamida Degmada, waxay xaq u leedahay inay soo dirato ergooyinkeeda uga
        qayb gelaya shirka Degmada, iyadoo tiradu ay ku xidhan tahay tirada xubnaha ay laantaasi
        leedahay.
 
19.3. Waxaa ka soo qayb-gelaya Shirka Degmada xubnaha Guddiga Degmada ee Xisbig iyo xubnaha
        Golayaasha Degeenka ee Degmada ugu jira Xisbiga.
 
19.4. Shir-sannadeedka Degmada, waxaa ka soo qeyb gelaya wakiilo ay soo dirteen Garabka
        Haweenka iyo Garabka Dhalinyarada Degmada oo leh xaqa cod-bixinta.
 
19.5 Gudidda Degmadu waa inay siisaa warbixin joogta ah Guddiga Xisbiga ee gobolka.
 
 
19.6. Shir-sannadeedka Degmada ee ku beegma wakhtiga doorashada guud, waxaa lagu
        macaabayaa musharrixiinta doorashada Golayaasha deegaanka uga qayb gelaya Xisbiga UDUB.

Qodobka 20aad

Laamaha

Xubin kasta oo ka mida Xisbiga UDUB, waa inuu ka mid noqdaa laan oo ah unugga saldhiga u ah  Xisbiga UDUB.
 
20.1. Laantu waa inay:
   
    b)  Diwaan gashanaataa.
 
    t)  Waa inay kulmaan kolba siday xeerarkooda iyo shuruucdoodu ay u dhigayaan.
 
    j)  Waa goobta ay xubnuhu kaga doodaan xuquuqdooda Dimuqraadiyadeed, si ay uga doodaan
        siyaasadda Xisbiga UDUB.
 
    x)  Waa unugga saldhig-hawleedka  xubnaha Xisbiga UDUB.
 
   Kh)  Waxay ku doortaan kulanka laanta, Guddiga laanta oo ka kooban Gudoomiye, Gudoomiye
           ku-xigeen, Xoghaye, Khasnaji iyo Guddida xubnaheeda kale oo ka kooban ugu badnaan
           todoba (7) xubnood, ugu yaraanna saddex  (3) xubnood.
 
    d)  Waxay kulmaan todobaadkiiba hal mar.
 
20.2  Guddiga laantu waa inay:
 
     b)  Marka la doortaba  kulmaan si ay u doortaan guddi hoosaad ka farcanta oo fulisa shaqo
          maalmeedka laanta.
 
    t)  Waa inay fulisaa hawlaha wacyi-galineed iyo ta shaqo ee goobtooda, iyo guud ahaanba
        siyaasadda iyo qorshayaasha Xisbiga UDUB.
 
    j)