|
| |
XEERKA
DOORASHOOYINKA MADAXTOOYADA IYO G/DEGAANADA
BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM
GOLAHA
WAKIILADA JSL
XEERKA DOORASHOOYINKA MADAXTOOYADA IYO G/DEGAANADA (Xeer Lr. 20/2001)
GOLAHA WAKIILADA JSL
Markuu Arkay: Qodobada 9aad, 22aad
, 25aad, 83aad iyo 111aad ee Dastuurka Qaranka JSL.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo ka digo-rogashada hab-beeleedka iyo
xaqiijinta himilada ummaddu ka dhursugaysay mudada dheer ee u tartanka xorta ah
ee xilalka Qaranka.
WUXUU ANSIXIYEY XEERKAN:
Qodobka 1aad:
Macnaha erey-bixinta
Doorasho: Waxa loola jeedaa kala
saaridda murashaxiinta u tartamaya xilalka, iyadoo lagu go'aan qaadanayo
aqlabiyadda codadka dadka ay khusayso.
Komishanka: waxaa loola jeedaa Guddiga sare ee loo xilsaaray maamulidda iyo ka
garsooridda
doorashooyinka.
Goob-codbixin: waxa loola jeedaa goobaha tirooyin dadweynaha ka mid ah oo isku
degaan dhaw ka dhiibanayaan codkooda.
Goob-Doorasho: waxa loola jeedaa barta kulmisa goobo-codbixineed oo loogu
talagalay in lagu kala saaro laba murashax iyo wixii ka badan.
Wakiil: waxa loola jeedaa xubinta urur/xisbi u soo wakiishay la socodka hawlaha
doorashada ee
goob-cod-bixineed ama xafiisyada doorashada.
Murashax: waxa loola jeedaa xubinta uu ururkiisu/xisbigiisu u soo magacaabay
inuu u tartamo
xil lagu heli karo doorasho.
Cod-bixiye: waxa loola jeedaa qofka buuxiyey shuruudaha cod-bixinta ee
go'aankiisa ku dhiibanaya cod.
Golaha Degaanka: waxa loola jeedaa Golaha cod-bixiyayaasha degmadu u doortaan
maamulka iyo sharci-dejinta D/Hoose ee degmada.
Gobol-doorasho: waxa loola jeedaa soohdimaha kulmiya degmooyin doorasho.
Degmo-doorasho: waxa loola jeedaa soohdimaha kulmiya ugu yaraan hal
goob-doorasho.
Kursi: waxa loola jeedaa jago-xil oo lagu hananayo doorasho hal qof.
Astaan/Astaamaha: waxa loola jeedaa summadda ama calaamadda u gaarka ah hal
xisbi/urur ee lagu aqoonsanayo.
Liis/Liisaska: waxa loola magacyada murashaxiinta uu soo gudbiyey xisbi/urur
loona kala hormariyey siday u kala helayaan doorashada.
Ololaha Doorashada: waxa loola jeedaa hawlgalka ay ururada/axsaabtu iyo
murashaxiintoodu ugu tartamayaan iska dhaadhicinta iyo soo kala jiidashada cod-bixiyayaasha.
Xafiiska dhexe: waxa loola jeedaa xarunta ugu saraysa ee laga maamulayo hawsha
doorashada ee ay ku shaqeeyaan Komishanka.
Xafiiska Degmada: waxa loola jeedaa xafiiska laga maamulayo goobaha cod-bixinta
ee degmo.
Xafiiska Gobolka: waxa loola jeedaa xafiiska laga maamulayo hawlaha doorashada
ee Gobolka.
Xafiiska Goobta: waxa loola jeedaa xafiiska laga maamulayo hawlaha doorashada ee
goob-cod-bixineed.
Goob-joogayaal: Waxa loola jeedaa kormeerayaasha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah
ee hubinaya habsami u socodka hawlaha doorashooyinka ee Komishanku aqoonsadey.
Qodobka 2aad:
Mabaadiida guud
Xeerkan waxaa lagu maamulayaa
doorashooyinka Golayaasha Degaanada iyo tan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka
Madaxweynaha JSL.
Qodobka 3aad:
Mudada xilka
Mudada xilka ee Murashaxiinta la
doorto waxay ahaanaysaa:
a) Madaxweynaha & Ku xigeenkiisa 5 sano
b) Golayaasha Degaanada 5 sano
Qodobka 4aad:
Tirada Golayaasha Degaanada
Tirada Golayaasha Degaanada ee la
soo dooranayaa waxay ahaanaysaa:-
a) Golaha Degaanka Caasimada 25 Mudane
b) G/Degaanka degmooyinka darajada A 21 Mudane
c) " " " B 17 Mudane
d) " " " C 13 Mudane
e) " " " D 09 Mudane
Qodobka 5aad:
Shuruudaha cod-bixiyaha
1. Waa inuu yahay Muwaadin
Somaliland u dhashay.
2. Waa in aan da'diisu ka yaraan 16 sano, sanadka
doorashada la qabanayo.
3. Waa inuu xor yahay oo aanu xabsi ku jirin.
Qodobka 6aad:
Xuquuqda Cod-bixiyaha
Cod-bixiye kasta oo buuxiyey
shuruudaha xeerku tilmaamay wuxuu xaq u leeyahay:-
1. Wuxuu codkiisa ka dhiiban karaa degmada uu ku sugan yahay ee doorashadu ka
socoto.
2. Cod-bixiyaha ka maqan dalka JSL wuxuu ka coddaynayaa xafiisyada
diblomaasiyadeed ee JSL ku leedahay dibedda ee ugu dhow, haddii aanay jirin ama
aanay suuragal ahayn waxa tallo ka gaadhaya Komishanka.
3. Codku waa inuu ahaado mid shakhsi ah, xor ah, toos ah, qarsoodi ah oo si
siman loo tixgeliyo.
4. Cod-bixiye kastaa wuxuu yeelanayaa hal cod oo keliya doorashadiiba.
5. Xubnaha Komishanka doorashooyinku ma laha xaqa cod-bixinta inta ay xilka
hayaan.
Qodobka 7aad
:Shaqaalaha
Dawladda & Hay'adaha Dawliga ah
1. Shaqaalaha Dawladda, kuwa
Hay'adaha madaxa banaan ee Dawladda iyo ciidamada Qaranka darajo kasta ha
lahaadeene looma ogola inay isu sharaxaan doorashooyinka Degaanada iyo
Madaxwaynaha ama Ku-xigeenka Madaxweynaha, haddii aanay shaqo-ka-tegis soo qoran
180 cisho ka hor taariikhda qabashada doorashada. Xilligani doorasho ee hadda (doorashadan
hore) mudada shaqo ka tegistu waxay ahaanaysaa 40 cisho ka hor taariikhda
qabashada doorashada.
2. Shaqo-ka-tegidda waxa shardi u ah inay sidaa qoraal ku soo caddeyso xafiiska
ama Hay'adda awooda u leh caddayntaas.
Qodobka 8aad:
Wakhtiga qabashada doorashooyinka
Komishanka ayaa cayimaya
taariikhaha la qabanayo doorashooyinka si waafaqsan Dastuurka, waxanay ku soo
bixi doontaa Degreeto Madaxweyne.
Qodobka 9aad:
Goobaha Cod-bixinta
1. Marka la qabanayo doorashada
Madaxweynaha & ku xigeenka waxa dalka loo qaybinayaa gobolo-doorasho (electoral
regions) oo loo sii qaybinayo goobo-codbixin (polling stations) iyadoo la
waafajinayo soohdimaha Gobolada dalka JSL.
2. Doorashada Golayaasha Degaanada marka la qabanayo soohdimaha maamulka degmada
ayaa loo aqoonsanayaa Degmo-doorasho (electoral district), waxaana loo sii
qaybinayaa goobo-codbixin, halkaas oo ay ka dhici doonto doorashada Degaanku.
3. Komishanku waa inuu sameeyo goobaha codbixinta ee degmooyinka/gobolada ugu
yaraan 40 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta la qabanayo, waxanu Komishanku
arrintaas kala tashanayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gudoomiyayaasha Gobolada
iyo Degmooyinka.
KOMISHANKA DOORASHOOYINKA JSL
Qodobka 10aad
:Qaab-dhismeedka
Komishanka Doorashooyinka
Qaab-dhismeedka xafiisyada
Komishanka Doorashooyinku wuxuu ahaanayaa sidan:-
a) Xafiiska goobta cod-bixinta doorashada
b) Xafiiska Degmada ee doorashada
c) Xafiiska Gobolka ee doorashada
d) Xafiiska dhexe ee doorashooyinka
Qodobka 11aad:
Komishanka doorashooyinka
1. Komishanku wuxuu ka koobnanayaa
7 xubnood, oo kala ah:
a) Gudoomiye iyo 6 xubnood
b) Gudoomiyaha & Gudoomiye-xigeenka Komishanka ayaa iska dhexdooranaya.
c) Mudada xilka ee Komishanku waa 5 sano, oo ka bilaabmaysa marka Golaha
Wakiiladu ansixiyo, waana loo cusboonaysiin karaa xilka.
d) Shaqaale dawladeed, xubin Barlaman, Xubnaha Golaha Wasiirada, ciidan Qaran
iyo xubin xil u haysa urur/xisbi kama mid noqon karo Komishanka.
2. Komishanka doorashooyinka waxa magcaabaya Madaxweynaha JSL ka dib marka uu
helo soo jeedimaha :-
a) 2 xubnood oo Golaha Guurtidu soo xulo.
b) 2 xubnood oo ay soo xulayaan ururada/xisbiyada mucaaridka ah ee
diiwaan-gashan.
c) 3 xubnood ee kale Madaxweynaha ayaa soo xulaya.
3. Komishanka waxa cod kala badh iyo hal ah (absolute majority) ku ansixinaya
Golaha Wakiilada, markuu guddi- hoosaadka Arrimaha Guduhu soo hubiyo in ay
buuxinayaan shuruudaha Xeerku tilmaamayo.
4. Xafiiska dhexe ee Komishanka doorashooyinku wuxuu xaruntiisa ku yeelanayaa
caasimadda Hargeysa.
5. Komishanka xil-gudashadiisa wuxuu ku salaynayaa Dastuurka iyo Xeerkan,
shirarkoodu wuxuu ku qabsoomayaa Kooram, go'aanadoodu waxay ku ansaxayaan
aqlabiyad.
6. Komishanku wuxuu xilkiisa u gudanayaa si madax banaan, lagumana samayn karo
wax fara gelin ah haba yaraatee.
Qodobka 12aad:
Shuruudaha xubinta Komishanka
1. Waa inuu yahay muwaadin
Somaliland u dhashay.
2. Waa inaan da'diisu ka yarayn 40 jir kana waynayn 60 jir.
3. Waa inuu Muslin yahay, kuna dhaqma diinta Islaamka.
4. Waa inuu leeyahay aqoon dugsi sare ugu yaraan ama wixii u dhigma.
5. Waa inaanu ka mid ahayn urur/xisbi siyaasadeed, kana madax banaan yahay.
6. Waa in lagu yaqaan dhawrsanaan, sharaf iyo cadaalad bulshada dhexdeeda.
7. Waa inaan dembi ciqaab oo maxkamad horteed kaga cadaadey ku dhicin welligiiba.
8. Waa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaanba gudan karaa xilka.
Qodobka 13aad:
Xil ka qaadista Komishanka
1. Xubnaha Komishanka waxa xilka
lagaga qaadi karaa:-
a) Markuu jabiyo shardi ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay.
b) Marka uu xilka gudan kari waayo karti darro ama caafimaad darro awgeed
c) Marka uu ku kaco anshax-xumo, xatooyo, musuq-maasuq iwm
2. Marka arrimaha kor ku xusan la dareemo, waxa Madaxweynuhu u magacaabayaa
guddi-baadhiseed ka soo warbixisa si uu go'aan ugu qaato.
3. Xil ka qaadista Komishanka waxa awood u leh Madaxweynaha, waxase shardi ah in
Golaha Wakiiladu ku ansixiyo xil ka qaadistaas cod hal-dheeri ah ( simple
majority).
4. Marka ay banaanaato xubin Komishanka ka mid ahi, xil ka qaadis, geeri, ama is
casilaad awgeed, waxa buuxinta jagadaas loo raacayaa habka xubintii banaysay ku
timi.
Qodobka 14aad:
Awoodaha Komishanka
Komishanku wuxuu awood u leeyahay:-
1. Inuu cayimo wakhtiga doorashooyinka la qabanayo, iyagoo Madaxweynaha u
gudbinaya si uu Degreeto ugu soo saaro.
2. Inay cayimaan tirada iyo goobaha cod-bixinta degmooyinka & gobolada.
3. Inay magacaabaan, eryaan, anshax mariyaan shaqaalaha xafiiska dhexe,
xafiisyada degmooyinka & Gobolada doorashooyinka.
4. Inay qorsheeyaan Miisaaniyadaha lagu maamulayo hawlaha doorashooyinka.
5. Inay ku dhawaaqaan natiijooyinka doorashooyinka Madaxweynaha iyo ku xigeenka
si ku meel gaadh ah, inta aan Maxkamadda Sare ku dhawaaqin.
6. Inay kormeeraan si kedis ah iyo si qorshaysanba goobaha doorashada iyo meel
kasta oo hawshooda khusaysa.
7. Inay go'aan ka gaadhaan muranada doorashada ee ka soo gaadha xafiisyada hoos
yimaada.
8. Inay sameeyaan daraasad ku saabsan sidii dalka loogu samayn lahaa
goobo-doorasho oo murashaxiin ku tartami karto.
9. Inuu diiwaan-geliyo cod-bixiyayaasha ka hor taariikhda doorashada.
Qodobka 15aad:
Miisaaniyadda Komishanka Doorashada
1. Komishanku wuxuu yeelanayaa
Miisaaniyad gaar ah, oo ay soo qorshaysteen, una gudbinayaan Madaxweynaha, taas
oo marka laysla ogolaado loo gudbinayo Golaha
Wakiilada oo ansixinaya.
2. Miisaaniyadda doorashada waxay komishanku u isticmaalayaan si madax banaan,
iyadoo ay waajib tahayinay xisaab-celin saddex biloodle ah u gudbiyaan
Xisaabiayaha Guud.
Qodobka 16aad:
Xafiiska goobta cod-bixinta
1. Xafiiska goobta cod-bixinta ee
doorashu wuxuu ka koobmi doonaa Gudoomiye iyo laba hubiye. Hubiyaha ugu da'da
weyn ayaa noqonaya gudoomiye xigeen. Waxa kale oo uu yeelanayaa xoghayn.
2. Gudoomiyaha, Xoghayaha iyo labada hubiye waxaa magacaabaya Komishanka,
waxaanu samayn karaa isku bedelid haddii loo baahdo.
3. Haddii loo baahdo oo arrin deg deg ahi timaado, Hubiye ama xoghaynta waxa
bedeli kara gudoomiyaha goobta cod-bixinta, iyadoo cod-bixintu socoto, waxanu
bedelkaas ka samayn karaa dadka goobta ku sugan ee leh xaqa cod-bixinta sida
sharcigu xusayo.
4. Xafiiska goobta cod-bixintu wuxuu u xilsaaran yahay fulinta hawsha doorashada
ee goobta.
Qodobka 17aad:
Xafiiska Degmada ee doorashada
1. Xarunta degmo kasta waxa jiraya
xafiis doorasho degmo. Waxaanu ka koobmayaa gudoomiye, laba hubiye, hubiyaha ugu
da'da weyn ayaana noqonaya ku xigeen.
2. Xafiiska doorashada ee degmadu waxa kale oo uu yeelanayaa xoghayn iyo laba
tiriye.
3. Gudoomiyaha, hubiyayaasha, xoghaynta iyo tiriyayaasha waxa magacaabaya
Komishanka, isagoo awood u leh kala bedelidooda.
4. Xafiiska degmada ee doorashu wuxuu u xilsaaran yahay fulinta hawsha
doorashada ee degmada.
Qodobka 18aad:
Xafiiska Gobolka ee doorashada
1. Magaalo-madaxda gobol kasta
waxaa jiraya xafiis doorasho gobol oo ka kooban Gudoomiye, ku xigeen iyo xoghayn
oo uu soo magacaabay Komishanku.
2. Xafiiska gobolka ee doorashadu wuxuu u xilsaaran yahay fulinta hawsha
doorashada ee gobolka.
Qodobka 19aad:
Hawl-wadeenada Xafiisyada Doorashada
1. Xubnaha Komishanku u magacaabo
xafiisyada doorashada waa in loo sheego in xilka loo magacaabay ugu yaraan 15
cisho ka hor taariikhda la qabanayo cod-bixinta.
2. Qofkii loo magacaabo xilalka xafiisyada doorashooyinka marmarsiiyo shaqada
loogama dayn karo, haddii aanu jirin cudurdaar dhab ah oo Komishanku ku qanci
karo.
3. Xubnaha loo magacaabay xafiisyada doorashada ee goobaha, degmada iyo gobolka
waxa dhaarinaya gudoomiyaha Maxkamadda degmada (dhaar fagaare), dhaartaas oo
noqonaysa sidan:
WAXA IGU WALAAHIYA OO IGU BILAAHIYA INAAN HAWSHA DOORASHADA U GUDAN DOONO SI
XILKASNIMO, DAACADNIMO LEH. INAAN DHEX U AHAADO XISBIYADA/URURADA IYO
MURASHAXIINTA, SHARCIGA IYO CADAALADNA AAN KU SHAQAYNAYO.
4. Komishanku waxay mid mid dhaarta kor ku xusan kaga hor dhaaranayaan
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare.
5. Xubnaha ciidamada qalabka sida ama kuwa leh qaab-ciidameed, Gudoomiyayaasha
gobolada, degmooyinka, golayaasha degaanada, murashaxiinta u taagan doorasho
looma magacaabi karo xafiisyada doorashooyinka.
6. Hawl-wadeenada goobaha cod-bixinta, kuwa xafiisyada doorashada degmooyinka/gobolada
waxay mudada shaqadoodu ku dhamaanaysaa marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada,
hasa yeeshee Komishanku wuu kordhin karaa mudada shaqada intii uu u baahdo.
7. Gudoomiyayaasha xafiisyada doorashada degmooyinka iyo gobolada ma noqon
karaan shaqaale dawladeed, ciidan qaran, xubin xisbi/urur. Shuruudaha lagu soo
xulanayaa waxay la mid yihiin kuwa Komishanka lagu soo doortey.
Qodobka 20aad:
Gunnada Hawl-wadeenada
1. Gunnooyinka ay qaadanayaa
hawlwadeenada xafiisyada doorashooyinka waxa qorshaynaya Komishanka, iyagoo ku
salaynaya xilalka hawlwadeenadu ku kala magacaaban yihiin.
2. Gunnada kala-badh ayaa la siinayaa haddii hawlwadeenku yahay shaqaale
dawladeed ama Hay'ad dawladeed (public bodies).
3. Hawlwadeenka loo diro hawl meel ka baxsan halka uu ku noolaa wuxuu yeelanayaa
gunno-saad (subsistence allowance) mudada uu maqan yahay, waxana qorshaynaya
Komishanka.
Qodobka 21aad:
Dhawrsanaanta Komishanka, Murashaxiinta, Hawl-wadeenada
1. Dhamaan hawl-wadeenada ka
hawlgelaya xafiisyada doorashooyinka, wakiilada Ururada/xisbiyada ee xeerkani
tilmaamay waxay sharci ahaan (legal status) la mid yihiin saraakiil guud (puplic
officer).
2. Murashaxiinta, hawl-wadeenada xafiisyada doorashooyinka iyo wakiilada
xisbiyada lama xidhi karo xilliga doorashada, haddii aan la qaban iyagoo dembi
ciqaabtiisu gaadhayso 3 sano faraha kula jira.
3. Haddii uu dembi galo waxaa lagu soo oogi karaa marka ay doorashadu dhamaato
ee laga wareejiyo hawsha uu u xil saarnaa.
4. Komishanku wuxuu leeyahay dhawrsanaan la mid ah ta Golaha Wasiirada mudada uu
xilka hayo. Dhawrsanaan ka qaadistoodana waxa loo marayaa sida uu tilmaamayo
qodobada 94(8) iyo 96(4) ee Dastuurka.
QAABKA DOORASHADA
Qodobka 22aad:
Habka Doorasho
1. Habka doorashooyinka degaanada
wuxuu noqonayaa Habka isu qiyaasidda saamiyada kuraasta iyo tirada codadka uu
xisbi/urur ka helo gobol ama degmo (proportional representative system). Hasa
yeeshee doorashada Madaxweynaha iyo Ku xigeenka Madaxweynaha waxay noqonaysaa
habka aqlabiyadda hal-dheeriga ah (majority system), sida dastuurku tilmaamay.
2. Doorashada Golayaasha degaanada xisbi/urur kastaaba wuxuu soo bandhigayaa
liiska dadka uu u doonayo in degmada looga doorto. Tirada dadka liiska lagu
qorayaa waa in aanay ka yaraan laban-laab xubnaha laga doonayo in degmo kasta
laga soo doorto.
3. Tirada kuraasida uu helayo liis kasta oo ah dadka loo soo bandhigay inay ka
qaybgalaan doorashada Golayaasha degaanka waxa loo xisaabayaa qaabka qiyaasta
saamiga kuraasta iyo codadka (proportional representative list system).
4. Degaamada aanu tartan ka jirin ee la soo bandhigo liis keliya, cod-bixin laga
samayn mayo, waxana la qaadanayaa dadka loo soo magacaabay Degaanadaas, iyadoo
ku jaan go'an tiradii degmada laga doonayay, waxana loo raacayaa sida loo soo
kala horaysiiyey.
Qodobka 23aad:
Qaabka soo bandhigida Murashaxiinta
1. Liiska murashaxiinta golaha
degaanka waxaa soo bandhigaya Guddiga degmada ee Ururka/xisbiga, waana in si cad
loo soo muujiyaa magaca murashaxa oo saddexan,
meesha uu ku dhashay iyo sanadkii uu dhashay; haddii ay jiraan dad isku magacyo
ah waa in la sheego naanysta (haddii ay jitro) iyo magaca oo afaran, waxa kale
oo la soo muujinayaa degmada laga sharaxay.
2. Liisaska murashaxiinta ururka/xisbiga waxa kale oo la soo raacinayaa:-
a) Caddeynta shaqo ka tegidda ee ku xusan qodobka 7aad ee xeerkan
b) 4 koobi oo ay si wanaagsan uga muuqato astaantii ururku/xisbigu.
c) Caddeyn uu bixiyey murashax kastaa oo uu ku muujiyey inuu ogol yahay
murashaxnimada iyo inuu buuxiyey shuruudaha ku xidhan
d) Rasiidhada bixinta deebaajiga murashaxnimo ee Wasaaradda Maaliyadda eeku
xusan qodobka 25aad ee xeerkan.
3. Sida ay murashaxiintu liiska ugu kala horeeyaan ee la isugu xigsiiyey ayaa
loo aqoonsanayaa in loo soo kala doortey ururka/xisbiga gudihiisa.
4. Muran kasta oo ka dhasha xeraynta ama bandhigga liis murashaxiin oo ka dhex
dilaaca xisbi/urur gudahiisa waxa go'aan ka gaadhaya golaha dhexe ee xisbiga/ururka
arrintu khusayso.
Qodobka 24aad:
Astaamaha Liistooyinka Murashaxiinta
1. Astaamaha liisaska murashaxiinta
ee ururada/xisbiyada ka muuqdaa waa inay kala duwanaadaan marka la soo
bandhigayo.
2. Xisbi/ururna waa in aanu isticmaalin astaan uu xisbi/urur kale hore ugu
isticmaalay doorasho hore.
3. Astaantu waa in ay ahaato mid gaar ah oo muujinaysa sumadda aqoonsiga, hase
yeeshee waa in aanay ka muuqan calaamado dawladeed, qabyaaladeed ama dariiqo.
4. Xisbi/urur wuxuu isticmaalayaa astaan keliya markuu soo bandhigayo
murashaxiintiisa heerka degaanka ama Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.
Qodobka 25aad:
Deebaaji
Murashaxiinta u tartamaya xilalka
waxay bixinayaan deebaaji aan celin lahayn, oo kala noqonaya sidan:-
a) Sl.Sh. 1,000,000 Murashaxiinta Madaxtooyada midkiiba
b) Sl.Sh 50,000 Murashaxiinta Golayaasha Deegaanka
Qodobka 26aad:
Qabashada Liisaska Murashaxiinta
1. Liistooyinka murashaxiinta
Madaxweynaha & ku xigeenkiisa waa in la geeyo xafiiska Komishanka, kuwa
murashaxiinta degaanadana la geeyo xafiisyada doorashada ee degmooyinka ka hor
6da galabnimo maalinta 45aad intaanay cod-bixintu dhicin, iyadoo ay dhan yihiin
lifaaqyadiisa ku tilmaaman xeerka.
2. Xafiiska Komishanka ama xafiisyadiisa doorashada ee degmooyinka waxay
hubinayaan in murashaxiinta liisaska ku qorani buuxinayaan dhamaan shuruudaha u
dhigan heerkooda, Murashaxa aan buuxin shuruudaha waxa lagu celinayaa urur/xisbigii
soo sharaxey si ay bedelkiisa u keenaan muddo loo cayimey.
Qodobka 27aad:
Sheegidda Liisaska Murashaxiinta
1. Komishanka iyo xafiisyadooda
degmo kasta waa inay diyaariyaan qaabka sheegidda murashaxiinta iyagoo u
habaynaya siday u kala horeeyaan, kana muuqato astaamahoodii.
2. Komishanka iyo xafiisyadiisa goob kasta oo cod-bixineed waa inay qoraal ahaan
diyaariyo qaab sheegid liisaska murashaxiinta degmada iyadoo lagu dhajinayo
goobaha cod-bixinta degmada.
3. Komishanka iyo xafiisyadiisu waa inay 30 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta
ku dhajiyaan liisaska murashaxiinta degmada goobaha fagaarayaasha, boodhadhka
ogeysiiska, xafiisyada Dawladaha Hoose iwm, sidoo kale waa in suuqa lala maro oo
cod baahiye lagu
sheego, haddii ay suuragal tahayna idaacadda laga sheego ama wargeysyada lagu
baahiyo.
OLOLAHA DOORASHOOYINKA
Qodobka 28aad:
Bilowga iyo Dhamaadka Ololaha doorashada
Ololaha doorashooyinku wuxuu
bilaabmayaa marka la soo dhejiyo ogeysiiska ku xusan qodobka 27aaad ee xeerkan,
waxaanu dhamaanayaa 48 saac ka hor taariikhda la qabanayo cod-bixinta.
Qodobka 29aad:
Qabashada shirarka &
Banaan-baxyada
1. Dadka qabanqabinaya shirarka iyo banana-baxyada la xidhiidha ololaha
doorashada waa inay qoraal ku ogeysiiyaan Gudoomiyaha Degmada iyo Saldhigga
booliska ay khusayso 48 saacadood ka hor wakhtiga la samaynayo. Gudoomiyaha
degmadu wuu diidi karaa in la
sameeyo shirarkaas ama banaan-baxaas, haddii uu ku qanco in waxyeelo loo
gaysanayo caafimaadka, anshaxa, ama nabadgelyada guud iwm, waxaana ku waajib ah
inuu amro in shirarkaas ama banana-baxaas lagu qaban karo meel uu tilmaamay ama
wakhti uu cayimay.
2. Magaalo ama tuulo laguma wada qaban karo maalin qudha wax ka badan laba shir
iyo banaan-bax.
Qodobka 30aad:
Muuqaalka boodhadhka
1. Muuqaalka boodhadhka iyo
waraaqaha dacaayadaha ololaha doorashada waa in la geeyo xafiiska Gudoomiyaha
degmada 48 saac ka hor intaan shaaca laga qaadin. Mana jirto wax cashuur ah oo
laga bixinayo arrintaas.
2. Lama ogola in boodhadhka iyo waraaqaha ololaha doorashooyinka lagu dhejiyo
masaajidada, xafiisyada & gaadiidka dawladda, xarumaha diplomaasiyiinta &
ururada caalamiga ah iwm.
Qodobka 31aad:
Hub iyo Lebbis ciidanimo
Shirarka iyo banaan-baxyada ololaha
doorashooyinka waxa ka reebban in loo qaato HUB iyo lebbis ciidan ama wax u eeg.
Qodobka 32aad:
Wakiilada Axsaabta/ururada
1. Guddiyada dhexe ama kuwa
gobolada/degmooyinka ee ururadu/xisbiyadu waxay wakiil leh xaqa cod-bixinta u
soo diran karaan goob kasta oo cod-bixin ka dhacayso oo ay murashaxiin ku
leeyihiin. Waxa kale oo ay keeni karaan bedelkiisa haddii uu maqnaado.
2. Wakiilada ay ururadu/axsaabtu soo dirsadeen waa inay goob-joog ahaadaan marka
xafiiska doorashadu hawsha hayo, soona jeediyaan wixii tabasho ama caddeyn ay
qabaan (haddii ay jirto), taas oo la diiwaangelinayo.
3. Magacyada wakiilada ururada/xisbiyada waa in loo geeyo Komishanka ama
xafiisyadiisa 10 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta. Komishanka ama
xafiisyadiisu wuxuu siinayaa wakiil kasta qoraal ogolaansho ah oo u fasaxaya
inuu geli karo kana hawl geli karo goobta cod-bixinta ee loo soo diray.
DOORASHADA GOLAYAASHA DEGAANKA
Qodobka 33aad:
Shuruudaha Murashaxa Golaha Degaanka
1. Waa inuu yahay muwaadin u
dhashay Somaliland
2. Waa inuu si rasmi ah u degan yahay degmada uu iska sharaxayo.
3. Waa inuu muslin yahay kuna dhaqmaa diinta islaamka.
4. Waa inaan da'diisu ka yareyn 35 sano sanadka doorashada la qabanayo
5. Waa inuu ku sifoobay xilkas, dhaqan toosan bulshada dhexdeeda.
6. Waa in aanu ku dhicin xukun ciqaabeed oo maxkamad horteed kaga cadaadey 10kii
sano ee u dambeeyay.
7. Waa inuu leeyahay aqoon dugsi sare haddii uu iska sharaxayo degmooyinka
darejada A iyo B. Hadii uu iska sharaxayo degmooyinka derajada C iyo D waa inuu
lahaado aqoon dugsi dhexe ugu yaraan ama wixii u dhigma.
8. Waa inuu yahay cashuur bixiye degmada uu degan yahay ama uu ka qayb qaatey si
mutadawacnimo ah hawlo dan guud ah ee degmadaas.
Qodobka 34aad:
Ururada u gudbi waaya xisbi
Ururada ku guulaysan waaya inay u
gudbaan xisbi hasayeeshee, doorashada Golayaasha degaanka ee degmooyinka
qaarkood ku guulaysta kuraas, waxa ku waajib ah inay ku biiraan saddexda xisbi
ee la ansixiyey midkood.
DOORASHADA MADAXWEYNAHA
IYO KU XIGEENKA MADAXWEYNAHA
Qodobka 35aad:
Shuruudaha Murashaxa Madaxweynaha & Ku xigeenka Madaxweynaha
1. Shuruudaha murashaxa
Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha waxay ahaanayaan kuwa ku tilmaaman
Dastuurka qodobka 82aad.
2. Xubnaha isu taagaya doorashada Madaweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha waa
inay ka mid yihiin urur/xisbi diiwaan-gashan ama ansaxsan, soona sharaxay.
Qodobka 36aad:
Habka Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha
Habka lagu dooranayo Madaxweynaha
iyo ku xigeenka Madaxweynaha wuxuu ahaanayaa kan ku tilmaaman Dastuurka qodobka
83aad, faqradihiisa 1,2,3, iyo 4aad.
NIDAAMKA MAAMULKA DOORASHADA
Qodobka 37aad:
Qalabka xafiisyada Doorashooyinka
1. Komishanka Qaranka ee
doorashooyinku waa inay goob cod-bixineed kasta u diyaarisaa qalabkan:
a. Nuqul xeerkan ka mid ah.
b. Xidhmo lingaxan oo ay ku jirto shaambaddii goobta cod-bixinta oo ay la
socdaan khadkii iyo khadeeyihii.
c. Xidhmo lingaxan oo ay ku jiraan waraaqihii cod-bixintu.
d. Sanaadiiqdii cod-bixinta lagu ridayay.
e. Weel lagu qaado waraaqaha cod-bixinta.
f. Saddex foom oo lagu qoro hawlgalka cod-bixinta.
g. Foom leh khaanado jeexjeexan.
h. Qalimo-biiro ku filan calamadaynta warqadaha cod-bixinta.
i. Ugu yaraan 5 waraaqadood oo tusinaya qaabka cod-bixiyayaashu u
calaamadaynayaan warqadaha cod-bixinta.
j. Quraarad ah khadka aan tirtirmi Karin ee la marinayo cod-bixiyayaasha.
k. Qalabka qoraalada kala duwan ee loo baahan karo.
2. Qalabka ku xusan c, d, e, f, g , ee ku tilmaaman faqradd xubinta hore waa
inay ahaadaan laba laba oo si fiican loo kala calaamadiyaa haddii wadajir loo
qabanayo doorashooyinka Degaanka.
3. Komishanku waa inay xafiiska dhexe ee doorasho iyo degmo/gobol kasta u
diyaarisaa qalabkan:
a. Nuqul xeerkan ah
b. Xidhmo lingaxan oo ay ku jirto shambaddii xafiiska degmada, gobolka ee
doorasho oo ay la socdaan khadkii iyo khadeeyihii.
c. Saddex foom oo lagu qorayo hawlgalka cod-bixinta xafiiska doorashada ee
degmada/.gobolka.
d. Foom leh shax jeexjeexan (tabulation forms)
e. Qalabka wax lagu qoro oo kala duwan (stationary)
4. Qalabka xafiis kasta oo doorasho waa in lagu rido saxarad gaar ah. Saraxadda
waa in la xidho oo la lingaxo. Komishanku waa inay qalabkaas dirto wakhti ku
haboon iyadoo la socdaan sanaadiiqdii codka lagu ridayey, waxaana loo dirayaa
xafiisyada doorashada degmada/gobolka oo u sii gudbinaya goobaha cod-bixinta.
5. Komishanku waa inay xafiisyadooda degmo/gobol u diyaariso waraaqo cod-bixineed
oo dheeraad ah oo ku lingaxan kiishash si loo siiyo xafiiska doorasho ee soo
codsada, iyadoo ay waajib tahay in ay soo sababeyaan , waxana la gudoonsiinayaa
gudoomiyaha goobta cod-bixinta.
6. Meelaha is gaadhsiintu adag tahay Komishanku wuxuu u dhiibi karaa waraaqaha
cod-bixinta oo lingaxan oo dheeraad ah kormeerka doorashada ka hawlgalaya si uu
u hayo xafiiska doorashada ee degmada/gobolka.
Qodobka 38aad:
Waraaqaha Cod-bixinta
Waraaqaha cod-bixinta waa ianay ku
daabacan yihiin astaamaha ururada/xisbiyada oo kor u taagan si afar gees ah.
Astaan kastaa waa inay leedahay meel banaan oo loogu talagalay inuu cod-bixiyuhu
ku muujiyo codkiisa. Waraaq kastaana waa ianay leedahay cidhif yar oo xabagaysan
oo lagu rogo warqadda cod-bixinta oo lagu lingaxo.
Qodobka 39aad
1. Goob kasta oo codbixinta laga
dhiibanayaa waa inay lahaato laba qol oo yar yar oo loogu talagalay in lala galo
calaamadaynta waraaqaha cod-bixinta loona habeeyo in qarsoodi codka lagu hubiyo.
2. Sanaadiiqda cod-bixinta lagu ridayaa waa inay yaaliin meel muuqata ama
hareeraha ka xigaan miisaska Gudoomiyaha goobta cod-bixinta.
Qodobka 40aad:
Ogeysiinta Liiska Murashaxiinta
1. Halka nuqul ee ku xusan qodobka
27aad ee xeerkan waa in lagu dhejiyo meel la wada arki karo oo ka mid ah
xafiiska doorashada ama goobta cod-bixinta gudaheeda iyo dibeddeedaba.
2. Nuqulka ogaysiinta ee ku xusan qodobka 27aad ee xeerkan oo Komishanku ka soo
sameeyay liiska murashaxiinta oo u kala horeeya sidii loogu soo gudbiyay waa in
lagu dhejiyo banaanka xafiisyada doorashada iyo gudaha meel la wada arki karo.
Qodobka 41aad:
Qaybinta Qalabka Doorashada
1. Xafiiska doorashada degmadu waa
inuu hubiyo in goob kasta oo cod-bixin ka dhacayso in la geeyo wixii qalab ah ee
loo baahan yahay markay saacadu tahay 6:00 saac ee subaxnimo ka hor maalinta
cod-bixinta.
2. Komishanku Waa inuu geeyo xafiiska doorashada degmada qalabka loogu talagalay
cod-bixinta ugu dambayn 4ta galabnimo maalinta ka horaysa cod-bixinta.
3. Goob kasta oo cod-bixineed waa in la siiyo:-
a. Nuqul muujinaya magacyada hawlwadeenada goobta
b. Nuqul muujinaya wakiilada ururada/axsaabta ee goob-jooga ahaanaya.
Qodobka 42aad:
Xafiiska Goobta cod-bixinta
1. Gudoomiyaha goobta cod-bixintu
markuu helo qalabka ku xusan qodobka la soo dhaafay waa inuu:-
a) Dhiso xafiiska oo uu hubiyayaasha iyo xoghaynta u sheego inay yihiin
hawlwadeenadii goobta isla markaana la socodsiiyo sida ay hawsha loo xilsaaray u
gudanayaan.
b) Hubiyo in Wakiilada axsaabta/ururada ee loo soo ogolaaday inay goob-joog
ahaadaan inay joogaan.
c) Markuu hubiyo inay saxaraduhu lingaxan yihiin waa inuu furo saxarada oo
hubiyo inay dhan yihiin qalabkii, waana inay goob-joog ahaadaan Hawl-wadeenadii
goobta iyo wakiiladii ururada/axsaabtu.
d) Markuu hubiyo isaga iyo hawl-wadeenadiisa iyo wakiiladu in xidhmooyinka ay ku
jiraan shaambadda goobta iyo waraaqaha cod-bixintu lingaxan yihiin, waa inuu
furo xidhmooyinka oo waraaqaha cod-bixinta la dhaco shaambada goobta, oo si
nidaamsan ugu rido weel xafidan. Waxaa reebban inay markaas joogto qof aan ahayn
inta goobta ku qoran.
e) Inuu hubiyo in ogeysiinta ay ku qoran yihiin tilmaamaha cod-bixinta iyo
liisaska murashaxiintu ku dhegan yihiin meelihii loogu talagalay.
f) Inuu hubiyo in qalabkii loo baahnaa ee cod-bixinta loogu talagalay loo
agaasimay sida xeerku tilmaamayo, si hawsha doorashu si hufan ugu hirgasho.
2. Waa inuu diiwaan-geliyo dhamaan hawlgalka kor ku xusan in la fuliyey.
Qoraalka waa inay ku cadaato shaambadda goobta, tirada waraaqaha cod-bixinta ee
goobta cod-bixintu heshay.
3. Waa inuu markaa ka saxeexo hawlwadeenada iyo wakiiladaba in wax waliba sidii
loogu talagalay yihiin.
4. Markuu hubiyo Gudoomiyaha goobta cod-bixintu in hawshaasi qabsoontay waa inuu
ku dhawaaqo in cod-bixintu furan tahay.
Qodobka 43aad:
Awoodda Gudoomiyaha Goobta cod-bixinta
1. Gudoomiyaha goobta cod-bixinta
waxa waajib ku ah inuu ilaaliyo nidaamka inta doorashadu socoto. Booliska ayuu
ku amri karaa inuu qof goobtaa dibedda uga saaro ama in la qabto qof gef ku
sameeyay hawsha doorashada ama qof waali ka muuqato.
2. Booliska looma ogola inuu galo gudaha goobta cod-bixinta haddii aanu
Gudoomiyuhu amrin.
3. Saraakiisha Booliska iyo kuwa shaqaalaha dawladda waa in ay fuliyaan
codsiyada Gudoomiyaha goobta si loo hubiyo in si dhib yar codka loo bixiyo oo
aanay dhicin in lagu ururo miiska hawlwadeenada ama goobta agteeda.
4. Gudoomiyaha goobta cod-bixinta iyo kuwa xafiiska dhexe waxay xaq u leeyihiin
inay isticmaalaan awoodaha ku qoran xubnaha qodobkan.
Qodobka 44aad:
Gelidda Goobta Cod-bixinta
1. Xaffiiska goobta cod-bixinta
waxa geli kara dadka maamulaya xafiiska iyo kuwa ka wakiilka ah axsaabta/ururada
iyo kuwa codka bixinaya.
2. Waxa reebban in cod-bixiyayaashu hub la yimaadaan goobta, markiiba qof ayaa
gelaya, iyadoo lookala hor marinayo sidii loo soo kala horeeyay, hasa yeeshee
waa la tixgelin karaa inuu ugu hormaro haddii ay jirto qof ka shaqaynaya hawsha
doorashada oo doonaya inuu codkiis a bixiyo.
Qodobka 45aad:
Talaabooyinka Ka Horeeya Cod-bixinta
1. Cod-bixiye kasta wuxuu codkiisa
dhiiban karaa markuu:-
a. Bixiyo tilmaamihiisa ku saabsan magaciisa, aqoonsigiisa iyo da'diisa.
b. La hubsado inuu xaq u leeyahay cod-bixinta oo buuxinayo shuruudaha cod-bixinta,
iyadoo si guud mar ah looga eegayo aqoonsigiisa, waraaqaha uu sito, marag-muujin
kale ama sidii kale ee kolba loo caddayn karo.
2. Calaamad khad aan tirtirmi Karin laga mariyo cidida far-yarada gacanta bidix,
haddii gacanta bidix maqan tahayna waa in cidida far-yarada gacanta midig laga
mariyo, haddii ay labada gacmood maqan yihiin waa in laga mariyo meel kale oo
jidhka cod-bixiyaha oo la arki karo.
Qodobka 46aad:
Cod-bixiyayaasha
aan codka dhiiban Karin
1. Waxa codkisa dhiiban kara cod-bixiyaha
taga goobta cod-bixinta oo codkiisa ku ridi kara sanduuqa.
2. Haddii uu jiro qof ay naafonimo u diidey inuu codkiisa bixiyo Gudoomiyaha
goobta cod-bixinta ayaa u ogolaanaya in cod-bixiye kale oo uu aaminsan yahay
inuu gacan siinayo oo ka caawiya sidii uu codkiisa u dhiiban lahaa.
3. Xoghayaha goobta cod-bixinta ayaa qoraalka gelinaya sababta loo ogolaaday in
qofkaas naafada ah laga kaalmeeyo sidii uu codkiisa u bixin lahaa, waxa kale oo
uu qoraalka ku muujinayaa qofka naafada ah iyo qofka kaalmeeyey.
Qodobka 47aad:
Nidaamka cod-bixinta
1. Markuu dhamaado hawlgalka ku
xusan qodobka kore, Gudoomiyaha goobta cod-bixinta wuxuu cod-bixiyaha siinayaa
warqaddii cod-bixinta oo lagu dhuftay shaambaddii goobta oo laga reebay dabadii
hadhaaga ahayd ee laga gooyey.
2. Markaa cod-bixiyuhu wuxuu gelaya qolka yar ee uu warqadda ku soo
calaamadinayo, kuna soo xidhanayo.
3. Cod-bixiyuhu wuxuu calaamad soo saarayaa warqaddii cod-bixinta oo ka soo
saarayaaa dhinaca midig ee astaanta uu codka siinayo, asagoo isticmaalaya qalin-Biro
ah oo uu siinayo xoghayaha goobtu. Ka dib warqaddii wuu soo laabayaa.isagoo ku
xidhaya dacalkii yaraa ee xabagta lahaa waxanu ku ridayaa sanduuqii loogu
talagalay cod-bixinta.
4. Markuu cod-bixiyuhu warqaddiisa ku rido meesha daloosha sanduuqa, waa inuu
goobta ka baxo, waxase ka horaysa inuu Gudoomiyaha goobtu hubiyo in cod-bixiyaha
ay si fiican uga muuqato calaamaddii aan tirtirmayn, markaas haddii aanay
calaamaddu si fiican u muuqan waa
in lagu celiyo mar kale, si loo cadeeyo inuu codkiisii dhiibtey.
5. Haddii cod-bixiyuhu arko in warqadda la siiyey aanay dhamayn ama dhaawac
qabto, waa inuu soo celiyo oo Gudoomiyaha goobta weydiisto mid fayow, arrintaas
waa in qoraal ahaan loo diiwaan-geliyo.
6. Gudoomiyaha goobtu wuxuu xaq u leeyahay inuu goobta ka saaro cod-bixiye kasta
oo cudur-daar la'aan goobta ku daaha oo laga qaado warqadda cod-bixinta, waxana
mar kale loo ogolaan karaa inuu codkiisa dhiibto markay dadkii kale ee goobta ku
sugnaa ee codkooda dhiibanayey ay dhamaadaan.
7. Haddii cod-bixiye lagu helo inuu sito waraaqo cod-bixineed oo dheeraad ah ama
kuwo ka duwan kuwa codka lagu bixinayo ama hore codkiisa u soo dhiibtey,
Gudoomiyaha goobtu waa inuu si de deg ah u amro in la qabto oo booliska u dhiibo
si maxkamad loo horgeeyo, Arintaas waa in qoraal ahaan loo diiwaan-geliyo.
Qodobka 48aad:
Hawlgalka cod-bixinta
1. Hawlgalka cod-bixintu waa in la
dhamaystiro hal maalin gudaheed oo ka bilaabmaysa 7:00 saac ee subaxnimo kuna
dhamaanaysa 6:00 fiidnimo.
2. Cod-bixintu way soconaysaa wakhtiga xidhitaanka la tixgelin mayo, haddii ay
jiraan cod-bixiyayaal safka ku jira oo aan welli codkooda bixin ilaa ay ka
dhamaanayaan.
Qodobka 49aad:
Go'aanka cabashooyinka ee goobta cod-bixinta
Xafiiska goobta cod-bixintu waa
inuu si ku meel gaadh ah go'aan uga gaadho cabashooyinka (haddii ay jiraan) oo
ay ka mid yihiin kuwa af ahaan loo soo jeediyey iyo wixii muran ah ee ku
hawlgalka goobta cod-bixinta. Cabashooyinka iyo muranadaas waa in qoraal ahaan
loo
diiwaan-geliyo.
Qodobka 50aad:
Hawsha ka horaysa Tirinta Codadka
1. Markay cod-bixiyayaashu codkooda
bixiyaan Gudoomiyaha goobtu wuxuu cod sare ku dhawaaqayaa inay cod-bixintu
xidhan tahay.
2. Markuu Gudoomiyaha goobtu ka ururiyo miiska dhamaan waraaqaha iyo qalabka aan
tirinta wax ahmiyad ah u lahayn wuxuu bilaabayaa hawsha soo socota:-
a. Hubinayaa tirada cod-bixiyayaasha isagoo ka eegaya tirada waraaqaha cod-bixinta.
b. Ururinayaa oo tirinayaa waraaqaha cod-bixinta ee aan la isticmaalin waxaanu
ku ridayaa baqshadda 1aad.
c. Xaqiijinayaa oo saxeexiisa ku muujinayaa waraaqaha doorashada ee xumaaday ama
aan hagaagsanayn ee ay soo celiyeen cod-bixyayaashu, ama la arkay inay xun
yihiin, waxaanu ku ridayaa baqshada 2aad.
Qodobka 51aad:
Tirinta codadka
1. Marka Gudoomiyaha goobtu
dhameeyo hawsha ku xusan qodobka la soo dhaafay wuxuu bilaabayaa tirinta
waraaqaha cod-bixinta ee sanduuqa ku jira. Si taa loo fuliyo Hubiyuhu wuxuu
markiiba sanduuqa ka soo saarayaa laba warqad cod-bixineed, wuxuuna u dhiibayaa
Gudoomiyaha, Gudoomiyuhuna wuxuu furayaa warqaddii codbixinta oo cod sare ku
dhawaaqayaa ururka/xisbiga codka lagu siiyey; warqadaas waxa hubiyuhu u sii
gudbinayaa Hubiyaha kale oo isna tusi doona wakiilada Xisbiyada/Ururada, markaas
xoghayaha ayaa gelinaya foomka khaanadaysan ee loogu talagalay ururka/xisbiga
codkaas helay waxaanu warqadaas ku ridayaa sanduuqa loo sameeyay..
2. Ma banana in sanduuqa laga soo saaro warqad kale oo cod-bixineed inta tii ka
horaysay laga dhamaynayo ee sanduuqa lagu ridayo. Hawsha waxa maamulaya
hawl-wadeenada goobta oo keliya.
3. Gudoomiyaha goobtu markuu dhameeyo tirinta, wuxuu hubinayaa tirada waraaqaha
cod-bixinta, iyo inay is keenayaan tirada codadka ururada/axsaabtu guud ahaan
heleen, wuxuu intaas raacinayaa tirada codadka lagu muransan yahay ama aan
hagaagsanayn ama aanay waxba ka
jirin ee ku xusan qodobka 57aad ee xeerkan.
4. Gudoomiyaha goobtu markuu caddeeyo ee sidaas saxeexiisa ku muujiyo wuxuu
waraqadaha aan saxda ahayn ama waxba kama jiraanka laga soo qaadey ama muranku
ka taagan yahay iyo waraaqaha cabashada iyo dacwooyinka ku ridayaa baqshadda
3aad.
5. Gudoomiyaha goobtu wuxuu ugu dambeyntii waraaqihii cod-bixinta ee la tiriyey
ku ururinayaa baqshadda 4aad.
Qodobka 52aad:
Xidhitaanka Hawsha Tirinta
1. Markuu Gudoomiyaha goobtu
dhameeyo hawsha tirinta ee ku xusan qodobada kore wuxuu iyadoo fagaare ah ku
dhawaaqayaa wadarta tirada cod-bixiyayaasha, codadka saxda noqday iyo tirada
codadka uu helay liis kasta oo xisbi/urur.
2. Intaa dabadeed, Baqshadaha waa la lingaxayaa, korkana waxa lagaga dhufanayaa
shaambaddii goobta, waxaana korka wadajir uga saxeexaya Gudoomiyaha goobta, ugu
yaraan hal hubiye iyo wakiilada xisbi/urur kasta oo murashaxiin ku leh
goobta-codbixinta.
3. Baqshadaha korkooda waxa lagu qorayaa faahfaahinta waxa baqshadda gudaheeda
ku jira.
4. Hawsha tirinta waa in loo dhamaystiro si isdaba jooga ah ee la soo tilmaamay
oo hakad lahayn oo wax kale aan la dhex galin.
5. Qoraalada raadraaca ahi (records) waa inay si cad u muujiyo hawlaha kor ku
xusan
Qodobka 53aad:
Codadka xumaada ama Lagu muransanyahay
1. Waraaqaha cod-bixinta marka la
tirinayo waxay
noqonayaan waxba kama jiraan:
a) Haddii ay ka duwan yihiin waraaqaha cod-bixinta ee Komishanku gartay in
doorashada loo isticmaalo.
b) Haddii aanay lahayn shaambadda goobta cod-bixinta.
2. Waraaqaha cod-bixinta ee la tiriyay waxay noqonayaan waxba kama jiraan haddii:-
a) Haddii warqadda cod-bixinta ay ka muuqdaan qoraal ama calaamado ama raad si
xirfadl leh loo soo agaasimay oo aan loogu talagelin in lagu qoro.
b) Haddii warqadda cod-bixinta aanay si fiican uga muuqan Karin Ururka/xisbiga
codka la siiyey oo la aqoonsan kari waayo.
c) Haddii warqadda cod-bixinta ay ka muuqato in cod-bixiyuhu calaamadeyay hal
astaan xisbi/urur wax ka badan.
3. Codka waxba kama jiraan wuxuu noqon karaa marka go'aan wadajir ah isku
raacaan Hawl-wadeenada goobta cod-bixintu. Haddiise ay isku raaci waayaan oo ay
ku kala qaybsamaan, waxa waraaqahaas cod-bixineed loo aqoonsanayaa kuwo muran ka
taagan yahay.
4. Xafiiska Doorashada ee degmada ayaa go'aan ka gaadhi kara waraaqaha cod-bixinta
ee muranku ka taagan yahay.
Qodobka 54aad:
Qoraalka raadraaca Goobta Cod-bixinta
1. Qoraalka raadraaca ee goobta
cod-bixinta waxa lagu qorayaa foom loogu talagalay oo saddex nuqul ah, kaas oo
Komishanku u soo diyaariyey.
2. Laba nuqul oo qoraalka raadraaca ka mid ah waa in lagu rido saxaradda oo la
raaciyo baqshadaha lingaxan ee ku xusan qodobka 55aad oo loo gudbiyo xafiiska
doorashada degmada, nuqulka saddexaad waa in loo gudbiyo Gudoomiyaha xafiiska
doorashada ee gobolka, iyadoo la raacinayo wixii ka hadhay agabkii doorashada ee
kala duwan.
Qodobka 55aad:
Qaadista iyo wareejinta Qalabka
1. Gudoomiyaha goobta cod-bixinta
oo ugu yaraan ay la socdaan xubin hawlwadeenada ka tirsani iyo Boolis ilaalo ahi
ayaa qaadaya qoraalka raadraac iyo baqshadaha goobta kuna wareejinaya xafiiska
doorashada ee degmada, iyadoo aan lahayn wax dib u dhac ah.
2. Marka xafiiska doorashada ee degmada lagu wareejinayo baqshadaha waa in la
hubiyo inay lingaxan yihiin oo aan la furin lana farafarayn. Gudoomiyaha
doorashada ee degmadu waa inuu bixiyo caddaynta la wareegidda agabkaas.
3. Gudoomiyaha doorashada ee degmaddu wuxuu u gudbinayaa baqshadaha natiijadda
cod-bixinta doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo lingaxan iyo nuqulka
saddexaad ee qoraalka raadraca Gudoomiyaha xafiiska doorashada gobolka
Qodobka 56aad:
Shaqada xafiiska doorashada ee Degmada
1. Markuu Gudoomiyaha xafiiska
doorashada ee degmadu helo agabka lagu tilmaamay qodobka 55aad ee xeerkan waa
inuu:-
a. Waa inuu faro hubiyayasha, xoghayaha iyo tiriyayaasha inay hawshooda u diyaar
garoobaan.
b. Waa inuu u yeedho wakiilada ururad/axsaabta ee murashaxiin ku leh degmada ee
Komishanku soo ogolaaday inay goob-joog ahaadaan inta hawshu socoto.
c. Markay Gudoomiyaha, hawlwadeenada iyo Wakiiladu hubiyaan inay saxaraduhu
lingaxan yihiin oo aan la furin, waa inuu furo saxarada oo ka soo saaro qalabka
ku jira oo hubiyaa.
d. Markay wadajir u hubiyaan in baqshadahu lingaxan yihiin oo aan hore loo furin,
waa inuu furaa baqshadda ay ku jirto shaamnbadu oo hubiyaa in lambarka shaambadu
ku yaal qoraalada.
2. Xafiiska doorashada ee degmadu waa inuu markaas hubiyo in qoraalada iyo
baqshadaha ku xusan qodobada 50,51,54aad ee xeerkan ay dhan yihiin.
3. Xafiiska doorashada degmadu markuu hubiyo natiijada doorashada Madaxweynaha &
ku xigeenkiisa wuxuu u gudbinayaa xafiiska doorashooyinka ee gobolka oo markuu
hubiyo u sii gudbinaya xafiiska dhexe.
Qodobka 57aad:
Tirinta cod-bixinta Doorashada Madaxtooyada.
Gudoomiyaha doorashada ee degmadu
markuu qabanayo hawsha doorashada Madaxtooyada waa inuu:
a. Waa inuu tiriyo oo isu geeyo dhamaan cod-bixinta ka soo hoyatay goobaha cod-bixinta.
b. Waa inuu hubiyo codadka waxba kama jiraanka noqday ee ka soo hoyday goobaha
cod-bixinta.
c. Waa inuu go'aan ka gaadho codadka muranku ka taagan yahay, sida uu tilmaamay
qodobka 53aad ee xeerkan.
d. Waa inuu isu geeyo codadka xisbi kasta oo murashaxiin ku leh degmada ka helay
goobaha
cod-bixinta.
e. Waa inuu natiijada codadka ee soo baxay iyo cabashooyinka (haddii ay jiraan)
u gudbiyo Xafiiska doorashada gobolka.
Qodobka 58aad:
Hawsha xafiiska doorashada ee Gobolka
1. Xafiiska doorashada ee gobolku
markuu helo nuqulka 3aad ee qoraalada raadraaca goobaha cod-bixinta iyo
natiijada guud ee codadka ka soo baxay degmooyinka gobolka iyo inta xisbi kasta
ka helay ee uu u soo gudbiyey xafiisyada doorashada ee degmooyinka gobolku wuxuu
hubinayaa xisaab ahaan natiijada codadka.
2. Gudoomiyaha xafiiska doorashooyinka ee gobolku wuxuu hawlgalka ka samaynayaa
raad raac lagu qorayo foomka loogu talgalay oo saddex nuqul ka kooban, wuxuuna
laba nuqul oo ka mid ah u gudbinayaa xafiiska dhexe ee doorashooyinka (Komishanka)
kan asliga ahna (original) Maxkamadda sare ee dalka.
3. Xafiiska doorashda ee gobolku markuu helo natiijada cod-bixinta doorashada
Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, Wuxuu natiijada u gudbinayaa Komishanka si uu u
hubiyo uguna dhawaaqo natiijada si ku meel gaadh ah.
Qodobka 59aad:
Tirinta codadka doorashada Degaanka & ku dhawaaqidda natiijada
Gudoomiyaha xafiiska doorashada ee
degmadu markuu helo agabka ku xusan qodobka 55aad ee doorashada degaanka,
markaas waa inuu :-
1. Waa inuu tiriyo oo isu geeyo dhamaan cod-bixinta ka soo baxday goobaha cod-bixinta
degmada.
2. Hubiyo codadka waxba kama jiraanka ah ee ka soo xerooday goobaha cod-bixinta
degmada.
3. Go'aan ka gaadho codadka lagu muransan yahay.
4. Tiriyo codadka ansaxay ee urur/xisbi kasta ka helay doorashada degmada.
5. Xisaab ahaan isu qaybiyo tirada guud ee codadka ansaxay ee degmada iyo tirada
kuraasta degaanka degmada, soona saaro inta urur/xisbi waliba ka helayo codadka.
6. Hubiyo urur/xisbi kasta inta uu ka helayo kuraasida degaanka.
7. Markaas ku dhawaaqo magacyada murashaxiinta ee xisbi/urur kasta ku guulaystay
doorashada, iyagoo isugu xiga siday u kala horeeyeen, sida uu tilmaamayo qodobka
23aad ee xeerkan.
8. Natiijada doorashada degmada si fagaare ah ugu dhawaaqo kuna dhejiyo boodhka
xafiiska doorashada ee degmada magacyada murashaxiinta guulaystay.
Qodobka 60aad:
Gudbin raad raac (records)
1. Raadraacyada hawlgalada ku xusan
qodobada 55aad, 56aad iyo 58aad ee xeerkan waxa lagu qorayaa foomamka Komishanku
u diyaariyey mid kasta, waana inay ahaadaan min saddex nuqul.
2. Nuqulada raadraacyada (records) waxaa loo qaybinayaa sida uu tilmaamayo
qodobada 55,58aad ee xeerkan.
Qodobka 61aad
Soo saaridda Go'aanada Doorashooyinka Degaanada
Xafiiska doorashada ee degmaddu waa
inuu soo saaro go'aanka doorashada degmada, iyagoo ku muujinaya qoraal kooban oo
ay ku qoran yihiin magacyada murashaxiinta ku guulaystay doorashada degaanka,
waxaana lagu dhejinayaa xafiiska maamulka Dawladda Hoose ee ay khusayso. Iyagoo
nuqul ka mid ahna u gudbinaya xafiiska dhexe.
Qodobka 62aad:
Hubaal-celinta doorashada Degaanada
1. Gudoomiyaha Maxkamadda gobolku
waa inuu hubaal-celiyo oo ansixiyo go'aanka doorashada
Golayaasha degaanada. Waa inuu go'aan ka gaadho wixii muran ama cabasho ah ee
guud ahaan uu u soo gudbiyey xafiiska doorashada ee degmadu ee soo baxay intii
hawshu socotey.
2. Wixii tabasho ama dacwad ah ee aan loo keenin xafiisyada doorashada waxaa loo
gudbin karaa maxkamadda gobolka toban cisho gudahood oo ka bilaabanta maalinta
lagu dhawaaqo natiijada doorashada.
Qodobka 63aad:
Hawsha xafiiska Dhexe ee Doorashada
1. Gudoomiyaha Komishanku markuu
helo qalabka & qoraalada raadraaca ee ku xusan qodobka 60aad ee xeerkan, waa
inuu a. Inuu faro kaaliyayaasha iyo xoghaynta inay u diyaaargaroobaan hawsha.
b. U yeedho Wakiilada ururada/axsaabta si ay goob-joog u ahaadaan marka hawshu
socoto.
c. Inay wadajir u hubiyaan in baqshaduhu lingaxan yihiin oo aan la furin, markaa
waa inuu furaa oo ka soo saaraa agabka ku jira.
d. Inay wadajir u hubiyaan in baqshadahu lingaxan yihiin oo aan la furin, markaa
waa inuu furo baqshadda ay ku jirto shaambadda xafiiska doorashadu, waana in
qoraalka raadraaca lagu muujiyo lambarka shaambada.
e. Waa inuu qalabka hadhay u gudbiyo xoghayaha.
2. Xafiiska dhexe ee doorashooyinku waa inuu markaas hubiyo inuu helay qoraalka
raadraaca ee ku xusan qodobka 60aad ee xeerkan oo laga doonayo xafiisyada
doorashooyinka ee degmooyinka/gobolada.
Qodobka 64aad:
Ku dhawaaqidda natiijada Doorashooyinka Madaxtooyada
1. Gudoomiyaha Komishanku markuu ka
helo xafiisyada doorashooyinka ee degmooyinka/gobolada waa inuu:
a. Go'aan ka gaadho dacwooyinka la xidhiidha cod-bixinta iyo tirinta.
b. Tiriyo oo isku geeyo (xisaab ahaan) codadka ansaxay, kuwa xumaaday ama waxaba
kama jiraanka ah ee ka yimid xafiisyada doorashooyinka gobolada.
c. Markuu si walba u hubiyo ee uu ku qanco in hawshu si habsami u dhacday, wuxuu
si ku meel gaadh ah ugu dhawaaqayaa natiijooyinka doorashada Madaxweynaha iyo ku
Xigeenka Madaxweynaha.
Qodobka 65aad:
Dacwadaha doorashada
1 Dacwadaha ku saabsan
doorashooyinka Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha waxa awood u leh
maxkamadda sare, waana in dacwadaasi soo gaadho kaalinta maxkamadda 20 maalmood
gudahood oo ka bilaabmaya marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada. Haddii ay
wakhtigaa dhaafto dacwadaasi wax tixgelin ah ma yeelanayso.
2 Maxakamadda Sare markay hesho qoraaladda raadraaca ee xafiisyada gobolada ee
doorashada iyo kuwa xafiiska dhexe ee Komishanka isla markaana hubiso xisaab
ahaan iyo sharci ahaan doorashada waxay ku dhawaaqaysaa natiijada doorashada
Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.
Qodobka 66aad:
Dhaqangal
Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa marka
uu Madaxweynuhu saxeexo, laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee Dawladda.
Allah Mahad Leh
Dhammaad
Maxamed Xuseen Cisman
XOGHAYAHA GUUD G/WAKIILADA
C/Qaadir X. Ismaaciil Jirdeh
K/S GUDOOMIYAHA G/WAKIILADA
|