|
|
|
SHIR LAGU QABAN DOONO MAGAALADA MALMÖ Dhammaan dadka reer Soomaalilaand ee deggan koonfurta Sweden waxa si sharaf iyo maamuus leh loogu soo dhaweynayaa Shir UDUB oo la qaban doono 8 Mars 2003, kolka ay saacaddu tahay 13.00, waxana lagu qaban doonaa magaalada Malmö, Xarunta Jaalyidda Soomaalilaand ee Malmö. Shirkaa waxa lagaga warmi doonaa guulaha uu xisbiga UDUB ka gaadhay doorashooyinkii golayaasha deegaanka iyo sidii la isugu habayn lahaa taageeridda xisbiga. Waxa kale oo loo soo bandhigi doonaa barnaamijka iyo xeerka xisbiga. Cismaan Xuseen Abokor Isuduwaha Yurub
|
|