Finland

URURKA  DIMUQRAADIGA  UMMADDA  BAHAWDAY

JAMHUURIYADDA  SOOMAALILAAND

11 mar 2003

[Start] [Uppåt]   
MADAXWEYNAHA
JSL
GUDDOOMIYAHA
UDUB
Qabbaanka
JSL
Jaamicadda Hargeysa
Jaamicadda Cammuud
Dhakhtarka Adna
   IDAACADAHA
Radio Hargeysa
Radio Golis
BBC Somali
Galab
BBC Somali Habeen
Radio Somaliland
Radio Hanqadh
SAADAASHA
HAWADA
HARGEYSA
BURCO
BERBERA
BORAME
RA'YIGA
DADWEYNAHA
UDUB builds the trust between each other of the Somaliland people up on the  peace.
 Kulmiye party shows no national responsibilities and political decency
 Why we should elect Dahir Rayale
 Somaliland: The little country that could
  An  Overview of the Educational System in Somaliand
 Somaliland way buuxisay shuruudihii qaran lahaa
 Post Egal Somaliland opportunities and constrainsts
 SURVIVING WITHOUT THE UN
 
Shirkaas oo ay abaabuleen gudida fulinta ee aagaasi, kana soo qayb galeen dad aad u tiro badan oo ah dadka xubnaha ka ah xisbiga udub ee aagga Finlaand iyo dad kale oo marti ah oo dananaynaya fikradaha iyo siyaasadda xibiga udub ee halkaa laga soo jeedinayo.
 
Shirkaas oo ahaa mid si weyn loo soo abaabulay si wanaagsan buu u dhacay, waxana lagu qabtay 1/03/2003, xarunta daqanka ee magaalada Helsinki. Waxa halkaa hadal gaaban ka jeediyey Gudoomiyaha aagaas Siciid Cumar Maxamuud oo ka waramay guulihii uu ka gaadhay  xisbigu doorashadii  golayaasha deegaanada ee gobalada iyo dagmooyinka dalka iyo sidii loogu diyaargaroobi laahaa doorashooyinka soo socda ee madaxtooyada eef ooda inugu soo haya iyo kuwa ka sii danbeeya ee golaha baarlabaanka. Waxaa kale uu ka hadalay sidii wada shaqayn loola samaynlahaa aagaga dibada iyo xaruntaba iyada oo imikaba ay jirto wadashaqayn naga daxaysa aagaga qaarkood hadan in la sii xoojiyo wada shaqaynta layskuna xidho gude iyo dibadba. Waxaa halkaa ka hadlay xubno ka tirsan gudida oo kala ah Xasan Maxamed Nuur, Axmed Maxamed Jibriil iyo Khadar Ismaaciil oo dhamaantoodba ka wada hadlay sidii looga midho dhalilan lahaa guulaha uu higasanayo xisbiga udub.  
 
 
 
Said Omar Mohamud:
Gudoomiyaha xibiga Udub ee aaga finland      
 

 

Shir Xisbiga Udub ee Finland.

 
 
Shir ay yeelan doonaan bahweynta xisbiga udub ee dalka Finland, laguna qaban doono Xarunta dhaqanka ee Magaalada Helsinki, loona yaqaan ( Kaisa Kulttuuri Keskus), kaasoo dhici  doona Maalinta Sabtida ah ee Bisha Maaraj ay tahay Kowda, saacadda Afarta galabnimo.(1.3.2003 saacadda 4:00 p.m).

 Shirkan oo lagaga wada hadli doono Guulaha xisbigu ka gaadhay doorashooyinkii golaha degaanka ee dhawaan dalkii ka qabsoomay iyo u diyaargarowga ta madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka ee foodda inagu soo haya.

 
Waxaa kale  oo warbixin laga  dagaysan doonaa Guddiga Fulinta, xisbiga udub ee Finland iyo xubno kale oo dhawaan ka soo laabtay dalkii.
 
 
Alaa Mahad Leh.
 
Siciid Cumar Maxamuud
Gudoomiyaha Xisbiga-udub ee Finland.
 

BAAQ KA SOO YEEDAY JAALIYADDA SOMALILAND EE DEGGAN DLAK FINLAND   25/10/2002

Anaga oo u adkaysan weynay xagxagshadan xasadku ku ladhanyahay ee maalin walba ka soo yeedhaysa kooxda carta ee uu hoggaamiyo Cabdi Qasbaaye ayaa waxaanu u sheegaynaa dhamaan dadweynaha reer somaliland ee qurba jooga inay u sara kacaan oo ay taageeraan hadalkii dhawaan ka soo yeedhay diblomaasiyiinta midowga Yurub iyo Maraykanka.

Hadaba dhammaan jaaliyadaha ku dhaqan dibada waa in ay u hawlgalaan oo ay soo dhiraandhiriyaan ictiraafka somaliland, waayo  maahmaahbaa ahayd, (waxarta qabo aan qoolka galiyee). Dhammaan reer galbeedku maanta way arkaan xaaladda Somaliland ee gudaha, laakiin waa in dibada laga hagarbaxaa oo la xoojiyaa, lana soo garaacaa albaab walba oo keeni kara ictiraafka Somaliland  oo ay abaabulaan mudaharaadyo lagu taageerayo diblomaasiyiintii reer galbeedka ahaa. Waji cusub ayaa u furmay dhammaan jaaliyadaha qurbaha jooga, iyagayna ku xidhan tahay haatan iyo saxansaxada siyaasadda dibada ee somaliland. Waa inay jaaliyadaha iyo dhammaan shacbiga somaliland ee ku dhaqan qurbuhu siiba Yurub iyo Maraykanka u dadaalaan sidii looga caawinlahaa dhaqaaale, goobjoognimo, iwm,  doorashooyinka ku soo food haya dalka.

Wabillaahi towfiiq

 
                   Anagoo kala ah
                                            CUMAR CABDI NUUX
                                            C/FATAAX IBRAAHIN AXMED (SUUL)
                                            CABDILLAAHI M. TAANI
                                             XUSEEN C/LAAHI AXMED
                        
                
                                            
            DHAMMAAN WAXAANU DAGGANAHAY DALKA FINLAND
                                                

Ku:- Guddida Qabanqaabada iyo Xubnaha Xisbiga UDUB ee Dalka Finland.

 

 Ka:- Dr. Cabdi Aw Daahir Cali

        Xoghayaha Guud xisbiga UDUB.

Uj:- Hambalyo.

Waxaan aad iyo aad idiinku hanbalyeynayaa hawsha dhismaha UDUB ee ka dhisteen Aaggiina. Waxaan qabaa hawshaas qiimaha u leh Qaranka S/land iyo xisbiga UDUB ee aad ka dhaqan gelinseen Aaggiina inay tahay mid saldhig u noqon doonta asaaska horumarka dimuqraadiyadda dalkeena ka unkantay iyo dhismaha guud ee waddankaba.

Mar labaad, anigoo ku hadlaaya magaca bahweynta xisbiga UDUB, ka guddoomiyaha xisbiga iyo kaygaba, waxaan aad idinku bogaadinayaa sida hawl karinimadu ka muuqato ee aad ugu dadaalaysaan hawl-gelinta dhismaha xisbiga UDUB ee dibadda aad joogtaan.

Ugu danbayn, waxaan idinku boorinayaa in aydun hawsha dhaxal-galka ah halkaa ka sii waddaan, anigoo ilaahay idiinka rajeynayaa inuu hawsha idiin fududeeyo.

Nagala soo xidhiidh: adminyurub@xisbiga-udub.com                       Xarunta xisbiga UDUB: udub@bgtinet.com

© Xisbiga UDUB, 2002

Start ] Uppåt ] Xeerarka ] War iyo Wacaal ] Isdiiwaangelin ] Ra'yiga Dadweynaha ] Doorashooyinka ] Maamulka ] Archives ] Suugaanta ]