|
|
|
Bahweynta
UDUDB ee Denmark. Og:- Mudane, Maxamed X.
Ibraahim Cigaal Waxaa mudan in aan halkan idinku
soo diro bogaadin Jaaliyadiina Reer S/land ee Denmark ee Bahweynta Xisbiga
UDUB. Waxaanu garwsanahay inaydun tihiin tusaale fiican dhinaca xisbigeena
Dadweynaha reer S/land mid guda jooga iyo mid dibada jooga, dareenkiina iyo
dadaalkiina aad ka unugteen, kana dhisteen xisbigii aaga aad dagantihiin. Aniga oo ku hadlaaya Magaca
Xisbiga ka Guddoomiyaha iyo kaygaba waxaan marlabaad idinku hambalyaynayaa
hawshaas qiimaha badan ee aad isu
xilsaarteen kana midho-dhaliseen ee ku saab-san arrimaha
Xisbiga UDUB. Walaalayaal, waxaan idinku
boorinaynaa inaydun hawshaas adaga ee dhisida Xisbiga aad halkaas kor uga sii
kicin-doontaan, wixii dhib ah ee idinkaga yimaadana xamil iyo adkaysi u
yeelataan, goobaha kale ee aagina
ka baxsana hawsha xisbiga aad
gaadhsiin doontaan. Waxaan diyaar u nahay wixii talo iyo tusaale ah ee aad na
soo siisan, dhinacayaga waxaanu mark kasta aanu
idinla diyaarnahay wixii arrin, talo iyo war ah. Ilaahay hawshaas culus dhamaanteen haynoo fududeeyo, idinna garabkiina ilaahay ha galo. Alla Mahad leh Dr. Cabdi Aw Daahir Cali Xoghaya Guud UDUB.
E-mailkan kala xidhii wixii ku saabsan Denmark: adliban@hotmail.com
|
|