Start ] Uppåt ]

 

          D   A   S   T   U   U   R   K   A

JAMHUURIYADDA  SOOMAALILAAND

 

T  U  S  M  A  D  A

I  QAYBTA KOWAAD  
Tilmaanta qaranka, mabaadi’da
guud iyo xorriyadda asaasiga ah
 
XUBINTA 1-aad
Tilmaanta Guud
 
Q1:   Qeexidda qaranka JSL;
Q2:   Dalka JSL
Q3:   Magaalomadaxda
Q4:   Jinsiyadda
Q5:   Diinta
Q6:   Afka
Q7:   Calanka, Astaanta & Heesta Qaranka
 
XUBINTA 2-aad
Mabaadi’da Guud
 
Q8:   Sinnaanta Muwaadiniinta
Q9:   Nidaamka Siyaasadeed
Q10: Xidhiidhka Dibedda
Q11: Dhaqaalaha Dalka
Q12: Hantida-guud, Khayraadka Dabiiciga
  ah iyo Waxsoorsaarka Wadaniga ah
Q13: Baanka
Q14: Cashuuraha, Takaaliifta & Ribada
Q15: Waxbarashada, dhallinyarada iyo
   Ciyaaraha
Q16: Horumarinta Cilmiga, Suugaanta
  Hiddaha iyo Dhaqanka
Q17: Caafimaadka
Q18: Deegaanka iyo Wax-ka-qabashada
  Aafooyinka
Q19: Daryeelka Qaybaha Bulshada
   Baylahsan
 
XUBINTA 3-AAD
Xuquuqda Qofka, Xorriyadda Asaasiga ah iyo Waajibaadka Saaran Muwaadinka
 
Q20: Shaqada, Farsamada, Daryeelka iyo
          Badbaadinta Shaqaalaha
Q21: Hirgelinta iyo Fasiraadda
Q22: Xuquuqda Siyaasadeed, Dhaqaale, Bulsho
          iyo Xaqa Doorashada
Q23: Xorriyada Dhaqdhaqaaqa iyo Is- abaabulka
Q24: Xaqa Nolosha, Nabadgeliyada Jidhka, Xurmaynta Magac-samida iyo Dambiyada laga galo Xuquuqda Aadamiga.
Q25: Xaqa Xorriyadda, Dammaanad-qaadka iyo Shuruudaha xuquuqda  iyo Xorriyaadka
Q26: Ciqaa iyo Dambe
Q27: Xuquuqda Qofka Xorriyadda laga Qaaday
Q28: Xaqa Dacwadda iyo Isdifaaca
Q29: Xurmeynta Hoyga
Q30: Xorriyada Isgaadhsiinta
Q31: Xorriyadda Lahaanshaha Hanti Gaar-ahaaneed
Q32: Xorriyadda Bannaanbaxa, Raýi- Dhiibashada, Saxaafadda iyo Baahinta
Q33: Xorriyadda Caqiidada
Q34: Waajibaadka Muwaadinka iyo Ciqaabta
Q35: Isu-celinta Eedaysanayaasha ama dambiilalayaasha iyo Magangelinta siyaasadeed
Q36: Xuquuqda Haweenka   
 
QAYBTA LABAAD
Qaabdhismeedka Qaranka
 
Q37: Awoodda iyo Karaamada Qaranka
XUBINTA 1-aad
Wada Xeer-dejinta
 
Q38: Baarlamaanka iyo Fadhiyada Wada Jirka Ah
GOLAHA WAKIILADA
Q39: Tilmaanta Guud ee Golaha
Q40: Tirada Golaha iyo doorashadiisa
Q41: Shuruudaha Qofka Isu-taagaya
Doorashada
Q42: Muddada Xilka iyo Xiliga Doorashada
Q43: Xarunta Golaha Wakiilada
Q44: Isugu Yeedhidda Golaha Wakiilada
Q45: Fadhiyada Golaha Wakiilada
Q46: Kalfadhiyada iyo habaynta Golaha Wakiilada
Q47: Mushaharka iyo Gunnada Golaha Wakiilada
Q48: Reebanaanta Qabashada Xil Kale iyo uga
Faa’iidaysiga Xilka Dano Gaar ah
Q49: Dhawrasanaanta Xubinta Golaha Wakiilada
Q50: Waayidda Xubinimada Golaha Wakiilada
Q51: Buuxinta Jagada Golaha Wakiilada
Q52: Shaqaalaha Golaha Wakiilada
Q53: Awoodda iyo waajibaadka Golaha Wakiilada
Q54: Awoodda Xeer-djinta Arrimaha Maaliyadda
Q55: Miisaaniyadda
Q56: Kala Diridda Golaha Wakiilada
XUBINTA 2-aad
Golaha Guurtida
 
Q57: Tilmaanta Guud ee Golaha
Q58: Doorashada Xubnaha Golaha Guurtida iyo
Muddada Xilka
Q59: Shuruudaha Qofka loo soo Dooranayo
Xubinimada Golaha Guurtida
Q60: Tirada Golaha Guurtida
Q61: Awoodda iyo Waajibaadka Golaha
Guurtida
Q62: Fadhiga ugu Horreeya ee Golaha Guurtida
Q63: Xoghaya Golaha iyo La-taliyayaasha
Q64: Xeer-hoosaadka Golaha
Q65: Mushaharka iyo Gunnada Golaha Guurtida
Q66: Dhawrsanaanta Xubinta Golaha Guurtida
Q67: Shaqo-ka-tagidda Xubinta Golaha Guurtida
Q68: Waayidda Xubinimada Golaha Guurtida
Q69: Kala Diridda Golaha
Q70: Reebbanaanta Gabasho Xil kale iyo uga Faa’iidaysiga Xilka Dano Gaar ah
Q71: Fadhyada iyo Kal-fadhiyada
 
Q72: Bannaanshaha Jagada Golaha Guurtida iyo Iyo Soo
Q73: Xarunta Golaha Guurtida
Q74: Soo Bandhigidda Mashruuc-sharci
Q75: Soo Saaridda, Faafinta iyo DhaqngelintaXeerka
Q76: Xeer Noqoshada iyo Dhaqngelistiisa
Q77: Habka loo Raaco Xeer-dejinta
Q78:
Q79: Eedaynta Xubnaha Golayaasha
 
QAYBTA SADDEXAAD
Waaxda Fulinta
 
XUBINTA 1-aad
 
Q80: Madaxweynaha iyo Madxweyne-kuxigeenka
Q81: Waaxda Fulinta
Q82: Shuruudaha Qofka loo Dooranayo
          Maxaweyna iyo Madxweyne-kuxigeen
Q83: Habka Doorashada
Q84: Dhaarta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-
          Kuxigeenka
Q85: Waxyaabaha ka Reeban Madaxweynaha
          Madaxweyne-kuxigeenka
Q86: Bannaanaanta Jagada iyo Habka uu
         Madaxweyna ama Madaxweyne-kuxigeenku
         Xilka uga tegi karo
Q87: Mushaharka iyo Gunnada
Q88: Muddada Xilka
Q89: Habka Buuxinta Jagada Mannaanaata
 
XUBINTA 2-aad
 
Q90: Awoodaha Madxweynaha
Q91: Awoodaha Madaxweyne-kuxigeenka
Q92: Awoodaha kale ee Madaxweynaha ee la
         Xidhiidha xeerarka Degdegga ah
Q93: Hab-Maamuuska Madaxda Sare ee
          Qaranka
 
XUBINTA 3-aad
 
Q94:   Golaha Wasiirada
Q95:   Sii haynta Xilka
Q96:   Eedaynta iyo Maamuus ka-xayuubinta
Madaxweynaha, Madaxweyne-kuxigeenka Iyo Wasiirada  
 
QAYBTA AFARAAD  
WAAXDA GARSOORKA
Q97:   Hawsha Garsoorka
Q98:   Awoodda Garsoorka
Q99:   Dhismaha Garsoorka
Q100: Maxkamadaha
Q101: Maxkamadda Sare
Q102: Maxkamadda Hoose
Q103: Xeer-ilaaliyaha
Q104: Maxkamadda Ciidamada iyo Xeer-
ilaalintooda
Q105: Magacaabidda Guddomiyaha
Maxkamadda Sare iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Sare
Q106: Xidhiidhka Hay’adaha Garsoorka iyo
Wasaaradda caddaaladda
 
QAYBTA SHANAAD
Qodobo Kala Duwan
 
XUBINTA 1-aad
 
Q107: Guddida Caddaaladda
Q108: Hawsha Guddida Caddaaladda
XUBINTA 2-aad
 
Q109: Qaab-dhismeedka Dalka
Q110: Maamulka Gobollada
Q111: Golayaasha Gobollada iyo Degmooyinka
Q112: Baahinta Awoodda Maamulka
XUBINTA 3-aad
Hay’adaha Dawladda
 
Q113: Hay’daha Dawladda ee Gaarka ah
Q114: Magacaabista iyo Xil-ka-qaadista
Madaxda Hay’adaha
Q115: Guddida Culimada, Waajibaadka Guddida
Q116: Tirada Guddida iyo Muddada Xilka
Q117: Shuruudaha Xubnaha
Q118: Waxyaabaha ka Reeban Xubnaha
Q119: Magacaabidda Xubnaha Guddid Culimada
Q120: Bannaanaanshaha Xubinnimada Guddida Culimada
Q121: Mushaharka iyo Gunnada
Q122: Xeerka Hay’adaha
 
XUBINTA 4-aad
 
Q123: Mabaadi’da  Ciidanka Qaranka
Q124: Ciidamada Booliska iyo Asluubta
Q125: Diyaarinta Xeerka Aftida iyo
Magacaabidda  Guddida Qabanqaabinta Aftida
Q126: Wax-ka-beddelka iyo Kaabidda Dastuurka
Q127: Xuduudda Wax-ka-beddelka iyo Kaabidda
Dastuurka
Q128: Saldhigga iyo Sarraynta Dastuurka
Q129: Dhaarta Dastuuriga ah
Q130: Dhaqan Gelinta Dastuurka iyo Qodobada Kala Guurka
I.     Magcyada Guddida Isku-dubaridka                     
       Dasruurka
II.   Guddida Dib u Hubinta iyo Dib u Eegidda
       Dastuurka
III.  Guddida Sixidda, Hubinta iyo Soo Saaridda
        Nuqulkan Dastuurka
IV.  Xoghaynta Guddida Dastuurka           

 
 
 

QAYBTA KOWAAD

TILMAANTA QARANKA, MABAADI'DA GUUD IYO XORRIYAADKA ASAASIGA AH

XUBINTA 1AAD

TILMAANTA GUUD

QODOBKA 1AAD

QARANKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

1.       Dalkii Maxmiyadda ahaa ee 26kii Juun 1960kii gobanimadiisa ka qaatay Boqortooyadii Midowday ee Ingiriiska iyo Waqooyiga Ayrland (United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland), lana odhan jiray Maxmiyadda Somaliland, kuna biiray Soomaliya 1dii Julaay l960kii si ay u wada curiyaan Jamhuuriyadda Soomaaliya [Somali Republic] ee kula soo noqday gooni-isu-taagiisa Go'aankii Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco 27kii April ilaa 15 May l99lkii, waxa uu halkan ku noqonayaa sida waafaqsan Dastuurkan dal madax bannaan oo leh xaqa iyo karaamada Qaranimadiisa, kuna magacaaan “Jamhuuriyadda Somaliland”.

2.       Awoodda iyo karaamada Qaranimada waxa leh shacbiga; wuxuuna u adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale.

QODOBKA 2AAD

DALKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

1.       Dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu fidsan yahay bed (Area) ahaan dalkii Ia odhan jirey Maxmiyadda Somaliland oo tilmaan ahaan ku yaalla dhigaha (Latitude) 50 ilaa 110 30' Waqooyiga Dhulbadhaha iyo loolka (Longtitude) 420 45' ilaa 490 Bariga; waxaanay soohdimihiisu ka kooban yihiin berriga1 jasiiradaha, biyaha gobolleed, dhulka iyo badaha hoostooda, hawada sare iyo xeebleyda (Continental shelf).

2.       Jamhuuriyadda Somaliland waxay xad la wadaagtaa dhinaca Waqooyi Gacanka Cadmeed; dhinaca Bari Soomaaliya; dhinaca Koonfureed iyo dhinaca Galbeed Jamhuuriyadda Federaalka ah ee ltoobiya; dhinaca Waqooyi Galbeed Jamhuuriyadda Jabuuti.

3.       Dhulka Qaranku waa muqaddas; waana laguma xad gudbaan.

QODOBKA 3AAD

MAGALO-MADAXDA

Magaalo-madaxda Jamhuuriyadda Somaliland waa Hargeysa.

QODOBKA 4AAD

JINSIYADDA

1.       Qof kasta oo u dhashay Somaliland, kana issirran dadkii deggenaa dalka Somaliland 26kii Juun 1960k iyo ka hor, waxa loo aqoonsanayaa muwaadin

2.       Xeer baa caddaynaya sida lagu heli karo ama laga waayi karo jinsiyadda Somaliland.

QODOBKA 5AAD

DIINTA

1.       Diinta Qaranka Somaliland waa Diinta lslaamka; waxaana geyiga Somaliland ka reebban faafinta diin aan ahayn Diinta lslaamka.

2.       Xeerarka dalka waxaa laga qaadanayaa Shareecadda lslaamka; waxaana reebban wixii xeer ah ee ka soo horjeeda.

3.       Dawladdu waxay oogaysaa shacaa'irta diimiga ah (umuurta Diinta); waxaanay fulinaysaa axkaamta Shareecadda. Sidoo kale waxay ka hortegaysaa fisqiga iyo anshax- xumada.

4.      Tirsiga taariikhda waxa laga raacayaa tan lslaamiga ah ee Hijriyada iyo tan Miilaadiyada ah.

QODOBKA 6AAD