|
|
H O R D H A C Halgankii dheeraa ee loo soo maray la soo noqoshada Madaxbanaanida Shacbiga reer Somaliland, waxay ku soo aroortay baaqii Beelaha Somaliland ka soo baxay bishii May 91 ee lagu qabtay Burco (Gobolka Togdheer) ee ay ku caddeeyeen gooni isu taaga Jamhuuriyadda Soomaaliland. Waxayna ku xalaaleeyeen baaqaas ay caalamka u bandhigeen, aftida distoorka ee 31 May, 2001, qabsoomay ee ay dadkii codeeyay 97% ansixiyeen. Waxaa lagama maarmaan noqotay sida distoorku dhigayo axsaab ku bilaabmaysa ururo u tartama si nabadglyo ah oo dimuqraadi ah hogaaminta iyo xilalka dalka.
Xukuumadda Somaliland oo 8dii sanno ee u dambaysay horseed u ahayd horumarka
nabadgelyada iyo guulaha siyaasiga ah waxay usoo bandhigaysaa dadweynaha
Somalilnad Ururkan inay qayb ka qaataan oo magaciisu yahay Ururka Dimuqraadiga
ee Ummadda Bahawday (UDUB), kaas oo u furan bulshada ku dhaqan Gobolada, iyo
Degmooyinka Dalka Somaliland oo dhan. Wuxuuna kulmin doonaa qaybaha kala duwan
ee bulshada, sida aqoonyahanka, guurtida, haweenka, dhallinyarada,
culimaa’udiinka, ganacsatada, mujaahidiinta iyo dadweynaha guudahaan miyi iyo
magaalaba.
Ujeedooyinka Xisbiga UDUB uu u soo bandhigayo bulshaweynta Somaliland wuxuu ku
salaysan yahay Barnaamijkan oo laga soo dheegtay kuna aroora himilooyinka uu
xambaarsan yahay Distoorka Somaliland: 1.1 Waa sugitaanka madax-bannaanideeda Somaliland iyo inay ka mid noqoto Dawladaha caalamka. 1.2 Bulsho ku dhaqanta habka talo-wadaagga (Democratic) ku wada dhaqan nabad, isqadarin, isxurmayn, kalsooni oo wada leh xuquuq muwaadinnimo oo siman. 1.3 Bulsho shuruucdeeda, iyo xeerarkeedu ay ku dhisan yihiin dhaqankeeda kana hor’imanayn Diinta Islaamka oo ah lafdhabarka nolosha iyo dhaqanka ee ummadda Somaliland oo 100% haysata Caqiidada Islaamka. 1.4 Habka dhaqaale-bulsho (Socio-economic) wuxuu ahaanayaa mid ku dhisan nidaamka lahaanshaha gaarahaaneed iyo suuqa xorta ah. 1.5 In daryeelka caafimaadka bulshada kor loo qaado iyo ka hortaga aafooyinka iyada oo la adeegsanayo cilmi iyo aqoonta caalamku gaadhay lana gaadhsiinayo bulshada meel kasta oo ay joogto miyi iyo magaalaba. 1.6 Iyada oo la aaminsan yahay in himilooyinkaas lagu gaadhi karo kor-u-qaadka aqoonta guud ee bulshada, dhallaan iyo waayeelba, wuxuu mudnaanta koowaad siinayaa waxbarashada heerarkeeda kala duwan gaar ahaan tacliinta aasaasiga ah (Primary Education). 1.7 Maadaama ay haweenku yihiin lafdhabarka bulshada S/land wuxuu ururju siinayaa mudnaan gaar ah dhinaca ka qaybgalka siyaasadda, dhaqaalaha iyo waxbarashada. Si haddaba ujeedooyinkaa looga midho dhaliyo wuxuu Ururku qeexayaa siyaasaddan hoos ku qoran: Isaga oo ka faa’iidaysanaaya waayo-aragnimadii xukuumaddu soo martay sidii ay dhidibada ugu aasi lahayd nabadgelyada dalka oo loo walaalayn lahaa oo ay wada dhisan lahaayeen maamul ay wadaagaan oo ay ku kalsoonyihiin beelihii laysku diray oo qoriga laysugu dhiibay ee maanta guud ahaan u wada codeeyay Aftida Distuurka waxaa la dhisayaa nidaamka ah in tuulo, degmo ilaa gobol ay dadweynuhu maamulkooda gacanta ku hayaan (Decentralised). 2.1 Waxa kale, sida Distoorku qeexaayo: xubnaha bulshadu waxa ay yeelan karaan ururo bulsho, ururo siyaasadeed, ururo dhaqaale, xisbiyo, arrintaana Ururku uu siyaasad ahaan meel marinayo. Isla markaana wuxu xuquuqda Distooriga ee muwaadinka Somaliland uu siinaayo sida xaqa warbaahinta iyo is-abaabulka. 2.2 a) Caddaaladu waa qodobka bulshada ee aasaaska u ah nabadgelyada iyo wada oolaanshaheeda. Ururku isaga oo ka faa’iidaysanaaya waayo-aragnimadii la soo maray iyo qodobada Distoorka wuxuu kor u qaadaya nolosha iyo sharafta garsoorayaasha, dhawrayana madax-banaanidooda isagoo u hawlgelaya kor-u-qaadista aqoontooda. Waxa kale oo uu adeegsan doonaa habab kale oo khuseeya kala saaridda muranada ka dhex-dhaca bulshada dhexdeeda nidaamkii Xeer-beegtida ee soo jireenka ahaa iyo Shareecada Islaamka si looga hortago is-afgarad la’aan ka dhex dhacda bulshada, iyo beelaha ay ka kooban tahay. b) Waxaa la dhiiri geli doonaa Dhaqanka Suuban ee Garsooranimo ayadoo la samaynayo Jimiciyadda Sare ee Garsoorka (Bar Association). 2.3 Waxaa kor loo qaadayaa hay’adaha nabadgelyada sida Booliska tababarkooda, aqoontooda, adeegooda iyo xirfadahooda gaarka ah, lana sugo iskaashiga ka dhexeeya Dawladaha aynu jaarka nahay hawlaha soo gala sida soo-geleetiga, maandooriyayaasha iyo dembiilayaasha. 2.4 Waxa kaloo la tayaynayaa ciidanka asluubta tababarkooda, aqoontooda iyo xirfadooda xabsiyada dalka. 2.5 Waxa kor loo qaadayaa daryeelka shaqaalaha dawladda, aqoontooda iyo daryeelkooda; sidoo kale waxa taakulayn loo raadinayaa intii awoodu ogolaato shaqaalihii reer soomaaliland ee hawlgabka ku noqday shaqadii dawladihii hore. 2.6 Ururku waxuu barnaamaj gaar ah u samaynayaa ururinta hubka dalka ku baahsan iyo waxyaabaha qarxa iyadoo kuwa aasan( mines) xoogga la saari doono. 2.7 In waraaqo aqoonsi iyo diiwaangelin loo sameeyo dhammaan bulshada Soomaaliland oo arrintaa loo fuliyo qaab cilmiyaysan ayadoo laga fulinayo gobolda dalka. Dhaqan-celinta naafada iyo dadka tamarta daran. 3. Siyaasadda Dibadda
Beesha Caalamka 3.1 Waxaa ujeedooyinka Ururka ka mid ah; in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dal madax bannaan oo ka mid ah beesha caalamka, arrintaasi fulinteeda waa mid Ururku u ololaynaayo, geed-sare iyo geed-hoosena u geleyo, sida uu u kasban lahaa saaxiibo 3.2 Siyaasadda dibeddu waxay mudnaan siinaysaa dalalka aynu jaarka nahay ee xuduudi inaga dhaxayso ama ganacsi na dhexmaro. Wuxuu Ururku ku dedaali doonaa in uu ku qanciyo dalalkaasi lagama maarmaanimada Jiritaanka Somaliland ee aan indhaha laga qabsan karin iyo ilaa hadda Somaliland nabadda iyo xasiloonida ay ku soo kordhisay Geeska Afrika iyo Gacanka Cadmeed oo ay noqotay meel xasilan isla markaana nabad ah oo loo yimaado ganacsi, maal gelin dhaqaale iyo tamashlaba (dalxiis); Meel diyaaradaha caalamku ay garoomadeena soo cago-dhigtaan, maraakiibtuna dekadeheena ka gooshaan; Qaxootigii dagaaladii barakacayna ay ku soo wada noqonayaan dalkoodii ayaga oo ka qaadaya culayskii dalalkii ay magan-gelyada u joogeen. Ururku wuxuu ku hawlgelayaa inuu dhidibada u aaso taariikhdaa dhabta ah ee Somaliland ku soo kordhisay beesha caalamka. Xuduudaha ay la leedahay dalalka jaarka mid badeed, mid dhuleed, iyo cirkaba waa meel uu ka socdo isdhexgal iyo ganacsi ee ma’aha meelo ay ka aloogmaan colaado iyo qalalaase. 3.3 Uururku wuxuu ixtiraamayaa heshiisyada, Kala dambaynta (Protocol), go’aamada ururada caalamiga ah (UN)ka, IGAD, (Charter)ka Midnimada Africa ee aan ka horimanayn distoorkeena, iyo maslaxadeena gaar ahaaneed, wuxuuna adkaynayaa (Charter)ka (OAU)da ee dhigaya in Xuduudii isticmaarku ka tegay ay tahay lamataabtaan; kaas oo ka markhaati kacaya gooni isu-taaga Somaliland. 3.4 Wuxuu Ururku xidhiidh gaar ah ka raadin doono dalalkii aanu isku waayo-aragnimada ahayn dhinaca la soo noqoshada gooni-isutaaga iyo u-dagaalanka xuquuqda qaranimo.
Sida uu Distoorkeenu dhigaayo siyaasadda dhaqaaluhu waxay ku dhisan tahay suuqa
xorta ah iyo lahaanshaha gaar ahaaneed, taas oo aynu ku dhaqmaynay mudadii 8da
sano ahayd, kaas oo midhihii ka dhashay la taaban karo: dhinaca isgaadhsiinta,
gaadiidka cirka iyo dhulkaba, telefoonada, iyo maraakiibta, warshadaha oo hadda
bilaabmaya, dhoofinta iyo soo dejinta oo ganacsatadeenu iskood u wadaan iyo
maal-gelin shisheeye oo haatan hay’ado badan oo shisheeya ahi bilaabeen ama
xiisaynayaan.
4.1
Ururku wuxuu sii badhitaarayaa tallaabooyinkaa wax-ku-oolka ah ee
lahaanshaha gaar ahaaneed isaga oo xoojinaaya Rugta Ganacsiga oo u hawlgelaya
siduu ugu xidhi lahaa dalalka dibedda.
4.2
Wuxuu hirgelinayaa isaga oo adeegsanaaya aqoonyahanada Somaliland iyo
hay’adaha caalamiga, shuruucda iyo xeerarka shirkadaha (Company Laws),
Sharciyada ganacsiga (Business Laws), Sharciyada maalgelinta (Investment Laws),
Sharciyada shaqaalaha (Labour Regulations), sharciyada Baananka (Banking Laws),
sharciyada caymiska (Insurance Laws) oo suuragelinaya hawlahaas.
4.3
Wuxuu Ururku hadaf ka dhiganayaa, xilweyna iska saarayaa, sidii wax looga
qaban lahaa burburka (Infrastructure) sida wadooyinka, dekedaha, madaarada ee
dalka gudihiisa iyo kuwa ku-xidhma wadamada jaarka ah ee aynu ganacsiga
wadaagno.
a)
Ururku wuxuu xoogga saari doonaa casriyaynta ka-ganacsiga xoolaha, isaga oo
la kaashanaaya shirkado shisheeye oo lagu kalsoon yahay iyo inay ka qayb qaataan
xaqiijinta caafimaadka xoolaha dhoofaya. b) Waxaa maalgelin looga raadinayaa gudaha iyo dibadaba, dhisidda kawaanno casri ah si hilibka oo qalan loogu dhoofin lahaa dalalka dunida oo dhan,c) Wuxuu Ururku hirgelinayaa barnaamijyo dadka xoolo-dhaqatada lagu barayo daryeelka xoolahooda (biyaha, daaqa, deegaanka) iyo ka faa’iidaysiga khayraadka xoolaha (caanaha(samaynta Cheese’ka) haraga, lafaha, dhiiga, iwm.). 4.4
a)
Ururku wuxuu ku dedaalayaa, isaga oo ka faa’iidaysanaaya daraasadaha la
sameeyay, iyo kuwa la samayn doono ee ku waajahan tamarta ayada oo la
isticmaalayo dhuxul-dhagax (Coal) si loo badbaadiyo dabargoynta dhirta ee hadda
socota, looguna isticmaali karo dhalinta korontada, wax-karinta, iwm.
4.5
Sidoo kale ururku wuxuu dhiirigelinayaa kor u qaadida iyo tayaynta
hawlaha la xidhiidha horumarinta farasanada gacanta iyo farsama-yaqaanka.
Ø
Siyaasadda dhaqaaluhu waa inay ku
dhisnaataa fikrad ah in horumarku u sinaado gobolada oo dhan. Hadaba, waxay
Xukuumaddu ku dedaashay in dakhliga dhexe ay la qaybsadaan degmooyinka dalku.
Waxay Dawladu hirgalisay mashaariic horu-marineed oo ku baahsan gobolada dalka
oo dhan, waxaa ka mid ahaa qodista ceelel dhaadheer iyo furlinta dismayaal
arrimaha bulshada la xidhiidha.
Ø
b) Ururku wuxuu u hawlgelayaa in
dhirta xabkahooda ama midhahooda la wershadayn karo, ee la cuni karo ama dawo
ahaan loo isticmaali karo la ilaaliyo, cilmi baarisna lagu sameeyooo suuqyo loo
raadiyo dadkana lagu baraarujiyo ka faa’iidaysigeeda sida beeyada, maydiga,
malmalka, falax-falaxda, murkuda, xabag-cadaadeedka, kulanka iwm.
Ururka
UDUB wuxuu u horseedayaa siyaasad qeexan oo ku waajahan waxqabashada Arrimaah
Bulshada ee la xidhiidha Waxbarashada, Caafimaadka, Horumarinta iyo
kor-u-qaadista nolosha dadka miyi iyo magaaloba. Waxaa la socda barnaamijkan
lifaaqyo muujinaaya, horumarkii dawladda Somaliland ka gaadhay dhinaca
waxbarashada.
5.1
Waxbarashada
5.2
Caafimaadka
5.2.1 In Ururku
meelmariyo aragti ku aroorta in la sugo caafimaadka dadka, duunyada iyo dhammaan
noolaha dalka JSL.
5.2.3 In Ururku u
hawlgalo la dagaalanka cudurada faafa, sida Cudurka (AIDS)ka, Duumada, (TB)da,
iwm.
5.2.4 In laga tallaalo
bulshada dhammaanteed yar iyo weynba, cudurada laga hor tegi karo.
5.2.6 In la sameeyo
unugyo khaas ah (Special Units) iyo machadyo (Institutions) heegan u noqda
ilaalinta iyo dabargoynta cudurada soo-geleetiga ah ee la socda dadka iyo
badeecadaha ka yimaada dalalka aynu xidhiidh ganacsi la leenahay.
5.2.7 In Ururku
ballaadhiyo awoodda dhakhaatiirta aqoonta leh si loo joojiyo lugooyada.
5.2.8 In la abuuro guddi
dhakhaatiir ah (Doctor’s Commission) oo lagu xulay aqoontooda iyo
shakhsiyadooda hagaagsan oo ilaaliya gudashada iyo dhawrista dhaqanka
dhakhtarnimo ee haboon (Code of conduct/ ethical standards).
5.2.10 In la baahiyo
lana joogteeyo barnaamiyo ku aroora wacyi gelinta dadweynaha ee faya-dhawrka iyo
nadaafadda ee qofka, qoyska, hoyga, iyo degaanka intaba.
5.2.11 In uu qaado sidii
loo abuuri lahaa kulliyad caafimaad.
5.2.12 Caruurtu waa
xoogga mustaqbalka iyo horumarka bulshada, sidaa darteed, daryeelka Caafimaad ee
caruurta iyo ilaalinta nafaqayntooda, ayaa ah siyaasadaha caafimaad ee ugu mudan
iyada oo kor loo qaadayo ka hortagga iyo daaweynta cudurada halista ah ee
caruurta dila ama naafeeya.
5.2.13 Bulshada
Somaliland waxaa tiirdhexaad u ah dadka reer guuraaga ah iyo xoolo dhaqatada,
Xisbigu wuxuu dhisayaa qaab adeeg caafimaad oo u saamaxaysa bulshada inay si
dhib yar, oo dhan ku hesho adeegyada muhiimka ah ee caafimaadka.
5.2.14 Adeegyada
Caafimaadka gaarka ah (Private Sector) waxay tahay xubin muhiim ah oo bixiya
daryeel caafimaad oo wax ku ool ah, sidaa darteed, ururka wuxuu dhiirigelinayaa
adeegyada caafimaadka gaarka ah, iyadoo kor loo qaadaayo tayadooda, loona
dhiirin lahaa. Sida maal-gelin
loogu sameeyo wadanka warshadaha lagu sameeyo dawada.
6.1
Maadaama aynu nahay ummad Muslim ah oo dhaqankeedu ka soo jeedo diinta
suuban, sida distoorkeenu dhigaayo, wuxuu Ururku dhiirigelinayaa barashada
Quraanka Kariimka ah, fiqhiga iyo shacaa’irta kale ee Islaamka. Wuxuuna ka
hortagayaa wixii fusuq iyo anshax-xumada uu diidayo dhaqanka islaamku, isla
markaana loogu soo gabbanaayo magaca Islaamka oo sumcad xumo u soo jiidaya
diinta xaniifka ah ee Islaamka.
6.3 In Ururku horseedo
abuuritaanka matxafyo iyo meelo lagu ururiyo hidaha
iyo taariikhda.
6.4 Waxaa Ururku
dhiirigelin doonaa hal-abuurka cilmiga, farsamada, farshaxanka, qoraal iyo
sawirba oo loo diiwaan gelin doono xafiiska hal-abuurka (Patents office) si loo
ilaaliyo xaqa hal-abuurnimo. 7. Ciyaaraha
Dhalinyaradu waa lafdhabarka bulshada, sidaas darteed wuxuu ururku mudnaanta
siinayaa arrimaha ciyaaraha sida dhisida garoomo ciyaareed, abuurista iyo
dhiirigelinta naadiyo kala heer sareeya oo heer qaran, her gobol iyo heer degmo. 8. Wacyigelinta
Ururku wuxuu ku dedaalayaa inuu si dhakhso ah u suurageliyo
kor-u-qaadida awooda idacad/tv weyn iyadoo la gaadhssinayo heerka maqalka iyo
muuqaalka gudaha dalka iyo dibadaba. |
|