Barnaamijka UDUB

URURKA  DIMUQRAADIGA  UMMADDA  BAHAWDAY

JAMHUURIYADDA  SOOMAALILAAND

11 mar 2003

[Start] [Uppåt]   

 

H O R D H A C

Halgankii dheeraa ee loo soo maray la soo noqoshada Madaxbanaanida Shacbiga reer Somaliland, waxay ku soo aroortay baaqii Beelaha Somaliland ka soo baxay bishii May 91 ee lagu qabtay Burco (Gobolka Togdheer) ee ay ku caddeeyeen gooni isu taaga Jamhuuriyadda Soomaaliland. Waxayna ku xalaaleeyeen baaqaas ay caalamka u bandhigeen, aftida distoorka ee 31 May, 2001, qabsoomay ee ay dadkii codeeyay 97% ansixiyeen. Waxaa lagama maarmaan noqotay sida distoorku dhigayo axsaab ku bilaabmaysa ururo u tartama si nabadglyo ah oo dimuqraadi ah hogaaminta iyo xilalka dalka.

Xukuumadda Somaliland oo 8dii sanno ee u dambaysay horseed u ahayd horumarka nabadgelyada iyo guulaha siyaasiga ah waxay usoo bandhigaysaa dadweynaha Somalilnad Ururkan inay qayb ka qaataan oo magaciisu yahay Ururka Dimuqraadiga ee Ummadda Bahawday (UDUB), kaas oo u furan bulshada ku dhaqan Gobolada, iyo Degmooyinka Dalka Somaliland oo dhan. Wuxuuna kulmin doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada, sida aqoonyahanka, guurtida, haweenka, dhallinyarada, culimaa’udiinka, ganacsatada, mujaahidiinta iyo dadweynaha guudahaan miyi iyo magaalaba.

1.   Ujeedooyinka Ururka

Ujeedooyinka Xisbiga UDUB uu u soo bandhigayo bulshaweynta Somaliland wuxuu ku salaysan yahay Barnaamijkan oo laga soo dheegtay kuna aroora himilooyinka uu xambaarsan yahay Distoorka Somaliland:

1.1  Waa sugitaanka madax-bannaanideeda Somaliland iyo inay ka mid noqoto Dawladaha caalamka.

1.2  Bulsho ku dhaqanta habka talo-wadaagga (Democratic) ku wada dhaqan nabad, isqadarin, isxurmayn, kalsooni oo wada leh xuquuq muwaadinnimo oo siman.

1.3  Bulsho shuruucdeeda, iyo xeerarkeedu ay ku dhisan yihiin dhaqankeeda kana  hor’imanayn Diinta Islaamka oo ah lafdhabarka nolosha iyo dhaqanka ee ummadda Somaliland oo 100% haysata Caqiidada Islaamka.

1.4  Habka dhaqaale-bulsho (Socio-economic) wuxuu ahaanayaa mid ku dhisan nidaamka lahaanshaha gaarahaaneed iyo suuqa xorta ah.

1.5  In daryeelka caafimaadka bulshada kor loo qaado iyo ka hortaga aafooyinka iyada oo la adeegsanayo cilmi iyo aqoonta caalamku gaadhay lana gaadhsiinayo bulshada meel kasta oo ay joogto miyi iyo magaalaba.

1.6  Iyada oo la aaminsan yahay in himilooyinkaas lagu gaadhi karo kor-u-qaadka aqoonta guud ee bulshada, dhallaan iyo waayeelba, wuxuu mudnaanta koowaad siinayaa waxbarashada heerarkeeda kala duwan gaar ahaan tacliinta aasaasiga ah  (Primary Education).

1.7  Maadaama ay haweenku yihiin lafdhabarka bulshada S/land wuxuu ururju siinayaa mudnaan gaar ah dhinaca ka qaybgalka siyaasadda, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Si haddaba ujeedooyinkaa looga midho dhaliyo wuxuu Ururku qeexayaa siyaasaddan hoos ku qoran:

2.   Siyaasadda Gudaha

Isaga oo ka faa’iidaysanaaya waayo-aragnimadii xukuumaddu soo martay sidii ay dhidibada ugu aasi lahayd nabadgelyada dalka oo loo walaalayn lahaa oo ay wada dhisan lahaayeen maamul ay wadaagaan oo ay ku kalsoonyihiin beelihii laysku diray oo qoriga laysugu dhiibay ee maanta guud ahaan u wada codeeyay Aftida Distuurka waxaa la dhisayaa nidaamka ah in tuulo, degmo ilaa gobol ay dadweynuhu maamulkooda gacanta ku hayaan (Decentralised).

2.1  Waxa kale, sida Distoorku qeexaayo: xubnaha bulshadu waxa ay yeelan karaan ururo bulsho, ururo siyaasadeed, ururo dhaqaale, xisbiyo, arrintaana Ururku uu siyaasad ahaan meel marinayo. Isla markaana wuxu xuquuqda Distooriga ee muwaadinka Somaliland uu siinaayo sida xaqa warbaahinta iyo is-abaabulka.

2.2  a) Caddaaladu waa qodobka bulshada ee aasaaska u ah nabadgelyada iyo wada oolaanshaheeda. Ururku isaga oo ka faa’iidaysanaaya waayo-aragnimadii la soo maray iyo qodobada Distoorka wuxuu kor u qaadaya nolosha iyo sharafta garsoorayaasha, dhawrayana madax-banaanidooda isagoo u hawlgelaya kor-u-qaadista aqoontooda. Waxa kale oo uu adeegsan doonaa habab kale oo khuseeya kala saaridda muranada ka dhex-dhaca bulshada dhexdeeda nidaamkii Xeer-beegtida ee soo jireenka ahaa iyo Shareecada Islaamka si looga hortago is-afgarad la’aan ka dhex dhacda bulshada, iyo beelaha ay ka kooban tahay.

b) Waxaa la dhiiri geli doonaa Dhaqanka Suuban ee Garsooranimo ayadoo la samaynayo Jimiciyadda Sare ee Garsoorka  (Bar Association).

2.3  Waxaa kor loo qaadayaa hay’adaha nabadgelyada sida Booliska tababarkooda, aqoontooda, adeegooda iyo xirfadahooda gaarka ah, lana sugo iskaashiga ka dhexeeya Dawladaha aynu jaarka nahay hawlaha soo gala sida soo-geleetiga, maandooriyayaasha iyo dembiilayaasha.

2.4  Waxa kaloo la tayaynayaa ciidanka asluubta tababarkooda, aqoontooda iyo xirfadooda xabsiyada dalka.

2.5  Waxa kor loo qaadayaa daryeelka shaqaalaha dawladda, aqoontooda iyo daryeelkooda; sidoo kale waxa taakulayn loo raadinayaa intii awoodu ogolaato shaqaalihii reer soomaaliland ee hawlgabka ku noqday shaqadii dawladihii hore.

2.6  Ururku waxuu barnaamaj gaar ah u samaynayaa ururinta hubka dalka ku baahsan iyo waxyaabaha qarxa iyadoo kuwa aasan( mines) xoogga la saari doono.

2.7  In waraaqo aqoonsi iyo diiwaangelin loo sameeyo dhammaan bulshada Soomaaliland oo arrintaa loo fuliyo qaab cilmiyaysan ayadoo laga fulinayo gobolda dalka. Dhaqan-celinta naafada iyo dadka tamarta daran.

3.   Siyaasadda Dibadda

      Beesha Caalamka

3.1  Waxaa ujeedooyinka Ururka ka mid ah; in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dal madax bannaan oo ka mid ah beesha caalamka, arrintaasi fulinteeda waa mid Ururku u ololaynaayo, geed-sare iyo geed-hoosena u geleyo, sida uu u kasban lahaa saaxiibo

3.2  Siyaasadda dibeddu waxay mudnaan siinaysaa dalalka aynu jaarka nahay ee xuduudi inaga dhaxayso ama ganacsi na dhexmaro. Wuxuu Ururku ku dedaali doonaa in uu ku qanciyo dalalkaasi lagama maarmaanimada Jiritaanka Somaliland ee aan indhaha laga qabsan karin iyo ilaa hadda Somaliland nabadda iyo xasiloonida ay ku soo kordhisay Geeska Afrika iyo Gacanka  Cadmeed oo ay noqotay meel xasilan isla markaana nabad ah oo loo yimaado ganacsi, maal gelin dhaqaale iyo tamashlaba (dalxiis); Meel diyaaradaha caalamku ay garoomadeena soo cago-dhigtaan, maraakiibtuna dekadeheena ka gooshaan; Qaxootigii dagaaladii barakacayna ay ku soo wada noqonayaan dalkoodii ayaga oo ka qaadaya culayskii dalalkii ay magan-gelyada u joogeen. Ururku wuxuu ku hawlgelayaa inuu dhidibada u aaso taariikhdaa dhabta ah ee Somaliland ku soo kordhisay beesha caalamka. Xuduudaha ay la leedahay dalalka jaarka mid badeed, mid dhuleed, iyo cirkaba waa meel uu ka socdo isdhexgal iyo ganacsi ee ma’aha meelo ay ka aloogmaan colaado iyo qalalaase.

3.3  Uururku wuxuu ixtiraamayaa heshiisyada, Kala dambaynta (Protocol), go’aamada ururada caalamiga ah (UN)ka, IGAD, (Charter)ka Midnimada Africa ee aan ka horimanayn distoorkeena, iyo maslaxadeena gaar ahaaneed, wuxuuna adkaynayaa (Charter)ka (OAU)da ee dhigaya in Xuduudii    isticmaarku ka tegay ay tahay lamataabtaan; kaas oo ka markhaati kacaya gooni isu-taaga Somaliland.

3.4  Wuxuu Ururku xidhiidh gaar ah ka raadin doono dalalkii aanu isku waayo-aragnimada ahayn dhinaca la soo noqoshada gooni-isutaaga iyo u-dagaalanka xuquuqda qaranimo.

4. Siyaasdadda Dhaqaalaha

Sida uu Distoorkeenu dhigaayo siyaasadda dhaqaaluhu waxay ku dhisan tahay suuqa xorta ah iyo lahaanshaha gaar ahaaneed, taas oo aynu ku dhaqmaynay mudadii 8da sano ahayd, kaas oo midhihii ka dhashay la taaban karo: dhinaca isgaadhsiinta, gaadiidka cirka iyo dhulkaba, telefoonada, iyo maraakiibta, warshadaha oo hadda bilaabmaya, dhoofinta iyo soo dejinta oo ganacsatadeenu iskood u wadaan iyo maal-gelin shisheeye oo haatan hay’ado badan oo shisheeya ahi bilaabeen ama xiisaynayaan.

4.1  Ururku wuxuu sii badhitaarayaa tallaabooyinkaa wax-ku-oolka ah ee lahaanshaha gaar ahaaneed isaga oo xoojinaaya Rugta Ganacsiga oo u hawlgelaya siduu ugu xidhi lahaa dalalka dibedda.

4.2  Wuxuu hirgelinayaa isaga oo adeegsanaaya aqoonyahanada Somaliland iyo hay’adaha caalamiga, shuruucda iyo xeerarka shirkadaha (Company Laws), Sharciyada ganacsiga (Business Laws), Sharciyada maalgelinta (Investment Laws), Sharciyada shaqaalaha (Labour Regulations), sharciyada Baananka (Banking Laws), sharciyada caymiska (Insurance Laws) oo suuragelinaya hawlahaas.

4.3  Wuxuu Ururku hadaf ka dhiganayaa, xilweyna iska saarayaa, sidii wax looga qaban lahaa burburka (Infrastructure) sida wadooyinka, dekedaha, madaarada ee dalka gudihiisa iyo kuwa ku-xidhma wadamada jaarka ah ee aynu ganacsiga wadaagno.

a) Ururku wuxuu xoogga saari doonaa casriyaynta ka-ganacsiga xoolaha, isaga oo la kaashanaaya shirkado shisheeye oo lagu kalsoon yahay iyo inay ka qayb qaataan xaqiijinta caafimaadka xoolaha dhoofaya.

b) Waxaa maalgelin looga raadinayaa gudaha iyo dibadaba, dhisidda kawaanno casri ah  si hilibka oo qalan loogu dhoofin lahaa dalalka dunida oo dhan,c) Wuxuu Ururku hirgelinayaa barnaamijyo dadka xoolo-dhaqatada lagu barayo daryeelka xoolahooda (biyaha, daaqa, deegaanka) iyo ka faa’iidaysiga khayraadka xoolaha (caanaha(samaynta Cheese’ka) haraga, lafaha, dhiiga, iwm.).

4.4   a) Ururku wuxuu ku dedaalayaa, isaga oo ka faa’iidaysanaaya daraasadaha la sameeyay, iyo kuwa la samayn doono ee ku waajahan tamarta ayada oo la isticmaalayo dhuxul-dhagax (Coal) si loo badbaadiyo dabargoynta dhirta ee hadda socota, looguna isticmaali karo dhalinta korontada, wax-karinta, iwm.

  b) Sidii horeba xukuumaddu ugu dedaashay heshiisyo ay la gasho shirkada Shidaalka, wuxuu Ururku sii wadi doonaa dedaalkaasi sidii loo soo saari lahaa shidaalka iyo dhinacyada macdanaha kale ee dalka ku jira si loo kobciyo dakhliga Dawladda.

4.5  Sidoo kale ururku wuxuu dhiirigelinayaa kor u qaadida iyo tayaynta hawlaha la xidhiidha horumarinta farasanada gacanta iyo farsama-yaqaanka.

 Ø      Siyaasadda dhaqaaluhu waa inay ku dhisnaataa fikrad ah in horumarku u sinaado gobolada oo dhan. Hadaba, waxay Xukuumaddu ku dedaashay in dakhliga dhexe ay la qaybsadaan degmooyinka dalku. Waxay Dawladu hirgalisay mashaariic horu-marineed oo ku baahsan gobolada dalka oo dhan, waxaa ka mid ahaa qodista ceelel dhaadheer iyo furlinta dismayaal arrimaha bulshada la xidhiidha.

  Ø      Waxaa Ururku ku darayaa in maamulada goboladuna uu lahaado cashuur loo qoondeeyay, lana dhiso Guddiyada horumarinta Gobolada.

  Ø      Sidii ay dawladdu awalba u hirgelisay siyaasad fiiro u yeelanaysa qaab-cashuureed dadku awoodi kar. Wuxu Ururku fulinayaa tallaabooyin dhisme cashuureed oo dhiirigaliya wax soo saarka dalka gudihiisa iyo wax dhoofinta, ka maaranka baahida badeecadaha dibedda ka yimaada iyo beretan qumman oo lala galo dekadaha hareeraha inaga xiga ee gobolka ku yaalla.

  Ø      Qaybta Kalluumaysiga iyo Beeraha Ururku wuxuu siinayaa mudnaan weyn si wax-soo-saarku u kordho magaalooyinkii xeebaha ee laga guuray in degmooyin laga bixiyo xeebaha. In tababaro la xidhiidha kalluumaysiga badda la siiyo, in waddooyin laga dhiso meelahaas oo dhinaca dalxiiskana horumar ku samayn karta. In laga sameeyo xeebaha meelo duur-joogto lagu ilaaliyo: Xeebaha  oo  ah meelaha keliya ee duurjoogto ku hadhay  iyo daryeelka lagu ilaalinayo berri-biyood-ku-noosha.

  Ø      In la dhiirigeliyo beerista timirta dadkana la baro, oo ku haboon dhulka xeebta ah ee hadda cidlada ah.

  Ø      In ilaalinta xeebaha Ururku xooga saarayo ayada oo layska guranayo khayraadkii badda si boob ah, mararka qaarna lagu qubayo qashin sun ah (Toxic waste). Isaga oo Ururku la kaashanaayo shirkado, ama dawlado ama uu abuurayo ciidamo gaar ah, hadba sidii suurtogal ah, wuxuu hirgelinayaa barnaamijka ilaalinta xeebaha.

  Ø      Ururku wuxuu ku dedaalayaa inuu xoojiyo siyaasadda ku aadan kala qoqobka dhul-beereedka iyo daaqsinta, sugitaanka marinada aroorka biyaha iyo baadka lagama-maarmaanka u ah xoola-dhaqatada. Wuxuu Ururku samaynayaa qorshe lagaga hortago nabaadguurka iyo xaalufinta daaqa ayada oo dhir-beeris lagu samayn doono meelaha lama-degaanka noqday ee sii faafaya.

 Ø      b) Ururku wuxuu u hawlgelayaa in dhirta xabkahooda ama midhahooda la wershadayn karo, ee la cuni karo ama dawo ahaan loo isticmaali karo la ilaaliyo, cilmi baarisna lagu sameeyooo suuqyo loo raadiyo dadkana lagu baraarujiyo ka faa’iidaysigeeda sida beeyada, maydiga, malmalka, falax-falaxda, murkuda, xabag-cadaadeedka, kulanka iwm.

  Ø      In la dhiiri geliyo beeralayda iyada oo gacan laga siinaayo dhinaca qalabka dalaga, bacriminta, midhaha beerista iyo farsamooyinka carra gadiska. In lagu baahiyo dhulka iyo deegaanada ay aqoonta falashadu ku yartahay. In Ururku u hawlgalo sidii looga beeri lahaa midhaha la quuto Bananka carrada san ee dalka ku yaal.

  Ø      In ururku ku dedaalo dhismaha biyo-xidheeno iyo dhaamam qabta biyaha faraha badan ee badda gala, loona istimaalo biyahaas baahinta beeraha. Wuxuu ururku baahinayaa ceelalka dhaadheer ee meelaha miyiga ah ee xoolo dhaqatadu biyo la’aantu ka haysato. In laga dhiso ceelal waraab oo nadiif ah oo dadka iyo duunyaduba ka cabbaan meelaha ku haboon.

  Ø      Ururku wuxuu dareensanyahay in ehelka dadka xiskoodu dimanyahay uu yahay ururka ee aanay lahayn ehel kale; taa awgeed ururku wuxuu ku dedaalayaa intii awoodu ogolaato daryeelka dadka xiskoodu dhimanyahay.  

5.   Arrimaha Bulshada

Ururka UDUB wuxuu u horseedayaa siyaasad qeexan oo ku waajahan waxqabashada Arrimaah Bulshada ee la xidhiidha Waxbarashada, Caafimaadka, Horumarinta iyo kor-u-qaadista nolosha dadka miyi iyo magaaloba. Waxaa la socda barnaamijkan lifaaqyo muujinaaya, horumarkii dawladda Somaliland ka gaadhay dhinaca waxbarashada.

5.1   Waxbarashada

  5.1.1  In Ururku u hawlgalo dhiirigelinta waxbarashada guud ahaan, iyo inuu uu fuliyo siyaasad ku waajahan baabiinta Akhris-Qoris la’aanta bulshada dhammaanteed.

  5.1.2  In Ururku fuliyo waxbaridda dadka waaweyn, baahinta aqoon xirfadeedka ku aroora u-dhaqashada xoolaha hab cilmiyaysan, beero-falashada casriga ah iyo hanashada hawlaha farsamo ee warshadaha, dhiska, ganacsiga iyo caafimaadka.

  5.1.3  In waxbarashada curruurteena lab iyo dhedigba la dhiirigeliyo gaar ahaan waxbarashada aasaasiga ah (Primary Education) lana gaadhsiiyo waxbarashada hablaha saamiga wiilasha ee waxbarashada aasaasiga ah.

  5.1.4  In Ururku fuliyo barnaamij waxbarasho iyo manhaj wax-ku-ool ah oo ku salaysan dhaqankeena, diinteena, iyo aqoonteena soo-jireenka ah.

  5.1.5  In Ururku u horseedo tayo waxbarasho oo dhiirigelisa hal-abuurka iyo isku-kalsoonida ilmaha iyo qofkaba.

  5.1.6  In Ururku hirgeliyo sal-u-dhigidda waxbarashada heerka Jaamacadeed iyo xoojinta dedaalka dadweynaha ee ambaqaaday hawshaas. Baahinta Kulliyadaha ku aroora xirfadaha lagama-maarmaanka ah iyo kobcinta tirada kulliyadaha waa xil Ururku fulintiisa u heelan yahay.

  5.1.7  In Ururku u hawlgalo fulinta siyaasad abuuraysa Machadyo aqooneed oo takhsuusyo kala duwan laga barto.

  5.1.8  In Ururku u hawlgalo xoojinta waxbarashada tooska ah iyo ta dadbanba si loo kabo waxbarashada dhallintii kacaantay mudadii dadka reer Somaliland ku jireen halgankii dib-u-xoraynta dalkooda.

  5.1.9  In Ururku fuliyo kor-u-qaadista tayada waxbarasho ee malcaamadaha Quraanka iyo sare u qaadista aqoonta guud ee macalimiinta malcaamadaha. In Ururku horseedo in malcaamadaha manhajkooda, cimiladooda waxbarasho iyo agabka waxbarashada horumar loogu samayn lahaa.

  5.1.10  Wuxuu Ururku dhiirigalinayaa machadyada iyo goobahawaxbarasho ee madaxa banaan, iyada oo mar kasta la hubinaayo manhajkooda iyo tayadooda waxbarasho.

  5.1.11  Ururku wuxuu ku dedaalayaa samayntaakadamiyada sayniska, fanka, afka soomaaliga iyo suugaanta.

  5.1.12  Ururku waxuu diyaarinayaa barnaamaj waxbarasho ku wajahan reer miyiga si’ay fursad ugu helaan wakhti waxbarasho iyo wakhti ay xoolaha daryeelaan.

  5.1.13  Ururku waxuu abuurayaaa waxbarashada farsamada gacanta oo la gaadhsiinayo heerka ugu sareeya ee farsamo ( technical Institutes).

5.2   Caafimaadka

5.2.1  In Ururku meelmariyo aragti ku aroorta in la sugo caafimaadka dadka, duunyada iyo dhammaan noolaha dalka JSL.

5.2.2  In Ururku kobciyo cisbitaalada hadda shaqeeya agabkooda, aqoonta dhakhaatiirta ka shaqaysa iyo kal-kaaliyayaashaba.

5.2.3  In Ururku u hawlgalo la dagaalanka cudurada faafa, sida Cudurka (AIDS)ka, Duumada, (TB)da, iwm.

5.2.4  In laga tallaalo bulshada dhammaanteed yar iyo weynba, cudurada laga hor tegi karo.

5.2.5  In fiiro gaar ah la siiyo goobaha lagu umulo, kor u qaadista adeega umulista, iyo daryeelka umusha.

5.2.6  In la sameeyo unugyo khaas ah (Special Units) iyo machadyo (Institutions) heegan u noqda ilaalinta iyo dabargoynta cudurada soo-geleetiga ah ee la socda dadka iyo badeecadaha ka yimaada dalalka aynu xidhiidh ganacsi la leenahay.

5.2.7  In Ururku ballaadhiyo awoodda dhakhaatiirta aqoonta leh si loo joojiyo lugooyada.

5.2.8  In la abuuro guddi dhakhaatiir ah (Doctor’s Commission) oo lagu xulay aqoontooda iyo shakhsiyadooda hagaagsan oo ilaaliya gudashada iyo dhawrista dhaqanka dhakhtarnimo ee haboon (Code of conduct/ ethical standards).

5.2.9  In Ururku u horseedo abuurista Machadyo tababar oo la xidhiidha kal-kaaliyayaasha.

5.2.10  In la baahiyo lana joogteeyo barnaamiyo ku aroora wacyi gelinta dadweynaha ee faya-dhawrka iyo nadaafadda ee qofka, qoyska, hoyga, iyo degaanka intaba.

5.2.11  In uu qaado sidii loo abuuri lahaa kulliyad caafimaad.

5.2.12  Caruurtu waa xoogga mustaqbalka iyo horumarka bulshada, sidaa darteed, daryeelka Caafimaad ee caruurta iyo ilaalinta nafaqayntooda, ayaa ah siyaasadaha caafimaad ee ugu mudan iyada oo kor loo qaadayo ka hortagga iyo daaweynta cudurada halista ah ee caruurta dila ama naafeeya.

5.2.13  Bulshada Somaliland waxaa tiirdhexaad u ah dadka reer guuraaga ah iyo xoolo dhaqatada, Xisbigu wuxuu dhisayaa qaab adeeg caafimaad oo u saamaxaysa bulshada inay si dhib yar, oo dhan ku hesho adeegyada muhiimka ah ee caafimaadka.

5.2.14  Adeegyada Caafimaadka gaarka ah (Private Sector) waxay tahay xubin muhiim ah oo bixiya daryeel caafimaad oo wax ku ool ah, sidaa darteed, ururka wuxuu dhiirigelinayaa adeegyada caafimaadka gaarka ah, iyadoo kor loo qaadaayo tayadooda, loona dhiirin lahaa.  Sida maal-gelin loogu sameeyo wadanka warshadaha lagu sameeyo dawada.

6.   Diinta iyo Dhaqanka

6.1  Maadaama aynu nahay ummad Muslim ah oo dhaqankeedu ka soo jeedo diinta suuban, sida distoorkeenu dhigaayo, wuxuu Ururku dhiirigelinayaa barashada Quraanka Kariimka ah, fiqhiga iyo shacaa’irta kale ee Islaamka. Wuxuuna ka hortagayaa wixii fusuq iyo anshax-xumada uu diidayo dhaqanka islaamku, isla markaana loogu soo gabbanaayo magaca Islaamka oo sumcad xumo u soo jiidaya diinta xaniifka ah ee Islaamka.

 6.2  Wuxuu Ururku ku dedaalayaa dabagalka taariikhda duugan ee shacbiga SLD. Taas oo marka la soo ifbixiyo daaha-ka-qaadi doonta facweynida xadaaradda shacbiga SLD oo waxbadan ka tari doonta qabyaalada dadka lagu kala qaybiyo ee hadda carruurteena aynu barno markay yaryar yihiin. Xadaaraddaas facweyni waxay keeni doontaa in ilmuhu hadda sheegto walaalayn-doontana shacbi-weynaha.

6.3  In Ururku horseedo abuuritaanka matxafyo iyo meelo lagu ururiyo hidaha  iyo taariikhda.

6.4  Waxaa Ururku dhiirigelin doonaa hal-abuurka cilmiga, farsamada, farshaxanka, qoraal iyo sawirba oo loo diiwaan gelin doono xafiiska hal-abuurka (Patents office) si loo ilaaliyo xaqa hal-abuurnimo.

7.   Ciyaaraha

Dhalinyaradu waa lafdhabarka bulshada, sidaas darteed wuxuu ururku mudnaanta siinayaa arrimaha ciyaaraha sida dhisida garoomo ciyaareed, abuurista iyo dhiirigelinta naadiyo kala heer sareeya oo heer qaran, her gobol iyo heer degmo.

8.   Wacyigelinta

Ururku wuxuu ku dedaalayaa inuu si dhakhso ah u suurageliyo kor-u-qaadida awooda idacad/tv weyn iyadoo la gaadhssinayo heerka maqalka iyo muuqaalka gudaha dalka iyo dibadaba.  

 
Nagala soo xidhiidh: adminyurub@xisbiga-udub.com                       Xarunta xisbiga UDUB: udub@bgtinet.com

© Xisbiga UDUB, 2002

Start ] Uppåt ] War iyo Wacaal ] Aagagga ] Isdiiwaangelin ] Ra'yiga Dadweynaha ] Doorashooyinka ] Maamulka ] Archives ] Suugaanta ]